Haweenay qayb kalahayd shirkadda labaad ee diyaaradaha ugu wayn Ruushka Oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyootay.

0
Monday April 01, 2019 - 07:55:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay qayb kalahayd shirkadda labaad ee diyaaradaha ugu wayn Ruushka Oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyootay.

    Haweenay qayb ka leh shirkadda labaad ee diyaaradaha ee ugu wayn dalka Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay qayb ka leh shirkadda labaad ee diyaaradaha ee ugu wayn dalka Ruushka ayaa geeriyootay ka dib markii diyaaraddeedii khaaska ahayd ay ku burburtay Jarmalka, sida ay shirkaddu shaacisay.

Natalia Fileva oo ka mid ah dumarka ugu dhaqaalaha badan Ruushka isla markaasna qayb ku leh shirkadda diyaaradaha ee S7 oo sidoo kalana loo yaqaanno Siberia Airlines ayaa geeriyootay markii ay diyaaraddeedu cago dhiganaysay garoonka Egelsbach oo u dhaw Frankfurt.



Qof kale oo rakaab ahaa iyo duuliyihii ayaa shilkaas ku geeriyooday, sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka ka soo baxda oo soo xiganaysa masuuliyiinta dalkaas.

Ma cadda waxa sababay burburka diyaaradda, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha ee S7.


Diyaaraddan gaarka loo leeyahay ayaa ka duushay magaalada Cannes ee dalka Faransiiska. Raadaarka ayayna ka baxday sida ay ku warrantay Flightradar24 oo dabogasha duulimaadyada.

Fileva oo 55 jir ahayd ayaa hantideeda lagu qiyaasay 600 oo milyan oo doolar, sida ay daabacday jariidadda Forbes ee ka faaloota dadka ladan.


Shirkadda S7 Group ayaa sheegtay in ay tacsi tiiraanyo leh u dirayso qoyska ay haweenaydu ka baxday iyo dad kale oo badan, sida uu ku warramay DPA.

Ruushka iyo hay'addo kale oo caalami ah ayaa baaritaan ku samayn doona shilka, ayay intaas ku sii dartay S7.


Dhanka kalana labo ruux oo kale ayaa dhimatay ka dib markii gaari uu booliisku leeyahay oo meesha uu shilku ka dhacay u sii socday uu ku dhacay gaari kale oo garoonka agtiisa joogay, saddexdii askarta ahayd ee gaariga booliiska watay ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah sida uu ku warramay DPA


S7 ayaa loolan kula jirta shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot marka ay timaaddo gudaha dalka Ruushka, waxayna leedahay 96 diyaaradood iyada oo u kala duusha 181 magaalo iyo 26 dal, sida lagu sheegay barta ay shirkaddu ku leedahay internetka.


BBC

Loading...
Loading...