Janan oo beeniyey in uu ku sugan yahay Mandheera

0
Tuesday February 11, 2020 - 06:29:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Janan oo beeniyey in uu ku sugan yahay Mandheera

    abdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

abdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah

 

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay inuusan ku sugneyn magaalada Mandera balse uu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ay ugu baaqeen dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in xasiloonidii iyo kala dambeyntii in uu kusoo celiyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay dhawaan Ciidamo farabadan geystay Doadda Soomaaliya.

 


Loading...
Loading...