Col. Muuse Biixi aqoon ku filan ma u leeyahay ka miro dhalinta hamiga Guud ee reer Somaliland
Taliye Muuse Biixi oo Addis Abbaba u jooga igi sawir iyo Farmaajo ii geeya maxeyse reer Somaliland ka filan karaa
Addis Ababa (HDW) - Hogaamiyaha Taliska Somaliland Muuse Biixi ayaa haatan ku sugan xarunta Midawga Africa ee Addis Ababa, xili uu halkaa ka socday maalmihii in dhaafay kulanka sanadlaha ah ee dalalka ku bahoobay midawga Africa.
Hogaamiye Muuse Biixi oo aan la hadal shacabka, fasirina sababta safarkiisan ku soo boodka ahaa uGu tegayay Addis Ababa ayaa afhayeenkiisu sheegay in uu halkaa u tegayo kulamo aan la xaqiijin oo uu la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda Africa ee Addis u jooga shirarka Midowga Africa.
Hogaamiye Muuse iyo gullwedeyaashiisa ayaa aqooni biday safar ku soo bood ah oo Addis Lagu tago maalinta shirku soo xirmayo, taas oo ku tuseysa heerka aqooneed ee inta isku xeertay xukuumada taliye Muuse Biixi.
Taliyaha horjoogaha ka aha Somaliland haatan Muuse Biixi oo aan laheyn aqoon u saamexeysa in uu olole noocan oo kale ah galo Ayaan xitaa laheyn kalsooni uu ku baadi goobo cidii ka sacidi laheyd ka miro dhalinta hamiga guud ee reer Somaliland.
Danaha is barkan ee caalamku ka leeyahay Somaliland iyo teeda ayaa u baahan hogaamiye la jaanqaadi kara nidaamka duplemaasiyadeed ee haatan lagu hawlgalo, Muuse Bixii ayaa aqoontiisu ku kooban tahay sida amarka loo qaato iyo sida Beelaha la isugu dhufto.
Taageereyaasha Muuse ee jiq ku sii iyo xulufadooda Ayaan laga filan Karin in ay hamiga reer Somaliland ka miro dhaliyaan kol hadii uu ku guul dareystay isku heyntoodii iyo cadaalada ku maamulkoodii ay heerkan ku soo gaareen.
Ma cada ilaa haatan qorshe hufan oo laga filan karo horjoogeyaasha siyasada qabiil ku qeybi oo xukum ee Somaliland ee Col Muuse Biici hogaaminayao iyo filasho suuban oo guul soo hoyn kareysa.
Hadhwanaagnews Addis Ababa
Loading...
Loading...