Wasiirka Ganacsiga Soomaliland Oo Ka Hadlay Suldaan Wabar Iyo Biyo Baladhanka Boorama Ee Istaagay

0
Monday February 10, 2020 - 15:24:48 in News by
  • Visits: 2165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Soomaliland Oo Ka Hadlay Suldaan Wabar Iyo Biyo Baladhanka Boorama Ee Istaagay

    Wasiirka Ganacsiga Soomaliland Oo Ka Hadlay Suldaan Wabar Iyo Biyo Baladhanka Boorama Ee Istaagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga Soomaliland Oo Ka Hadlay Suldaan Wabar Iyo Biyo Baladhanka Boorama Ee Istaagay

Hargaysa(HWN):- Wasiirka Wasaraddaha Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Soomaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad oo mid ka muuqbaahiyasha dalka ka hawl gala u waramayay ayaa sheegay in xukumada uu ka tirsan yihiin shaqsiyaad u badan madaxdhaqmeed ay xabsiga ku gureen sababo la xidhiidha biyo baladhinta magalalada Boorama.


Wasiirka ayaa sheegay in xadhigooda loo cuskaday arimo la xidhiidha biyo baladhintii laga waday magalada Boorama oo istaagtay wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi"Nasiib Daro waxa dhacday dadkiina lama keenin xoogay xadhig ah ayaa dhacay,xadhigu meelo badan ayuu ka dhacay xeebta wuu ka dhacay,dad waa la xidhxidha lakiinse waxa weeyaan cala kuli xaal arinta maan joogin iminkana waan ka hawl galayna waxana aad iyo aad ugu rajo wayn yahay cidii dilka gaystay in gacanta lagu soo dhigo,Dadkan wax inoo dhaqan ah ayay iska noqotay cidii wax gaysatay hadii la waayo in ehelka la xidho,waxaan ku daadaali in cidi wax gaysatay gacanta lagu soo dhigo ,dadka kalana xoriyadooda helaan"ayuu yidhi wasiirku

Image result for Wasiir Saajin

Wasiirka oo la waydiiyay su,aal nuxurkeedu ahaa in wax ka qaban wayay arinka la xidhidha suldaankiisa Wabar oo ay isku degaan kasoo wada jeedaan ayaa waxa uu kaga jawaabay sidan"Suldaanku waa suldankaygii sii facana waan u caleemo saarnay muti qulijeed, magaciisa min koone ila koone lagu xardhay waxaan u caleemo saarnayna waxay ahayd suldaan reer wayn kasoo jeeda wayaan,min Badhan ila Lawyacado waa la iskaga yimid waxaan u caleemo saaraynay oo waynaynayna Suldaanka reerka wayne ee sida dhaqanka maamulay ahayd Suldaanki Jabhadninada ayuu ka doortay,Jabhadnimadana cid ku raacsan ma jirto,xaga dibadaha ayuu gacan ka haysan jiray marka hore dibadahina fato ninkaasi hawlaha uu wado kulama socdaano hada way ka qanceen,waxa weeyaan waxa uu xaroynayo ayaanu garan lanahay xoriyada uu raadinayo magaranayno"ayuu yidhi Wasiir Saajin.


HadhwanaagNews.com
Hargaysa/Office

Loading...
Loading...