Shirkada Sompower Oo Awoodii Dawlada Ku Dulminaysa Shirkadaha Dhigeeda Ah, Shaqaale Ka Xidhan Indha Birta Iyo Xaalada Taagan

0
Monday February 10, 2020 - 14:02:32 in News by
  • Visits: 2317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Sompower Oo Awoodii Dawlada Ku Dulminaysa Shirkadaha Dhigeeda Ah, Shaqaale Ka Xidhan Indha Birta Iyo Xaalada Taagan

    Shirkada Sompower Oo Awoodii Dawlada Ku Dulminaysa Shirkadaha Dhigeeda Ah, Shaqaale Ka Xidhan Indha Birta Iyo Xaalada Taagan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Sompower Oo Awoodii Dawlada Ku Dulminaysa Shirkadaha Dhigeeda Ah, Shaqaale Ka Xidhan Indha Birta Iyo Xaalada Taagan


Hargeysa(HWN):-Shirkada Sompower oo ay dawlada Muuse Biixi taageero la garab taagan tahay isla markaana doonaysa in kooto loogu xidho adeega laydhka ee magaalada Hargeysa ayaa dhibaato joogto ah ku haysa shirkadaha kale ee bixiya adeega laydhka.




Shirkada Sompower oo isku halaynaysa taageerada ay ka haysato dawlada ayaa falal sharciga baalmarsan kula kacday shirkada dhigeeda ah ee Indha Birta taas oo bixisa adeega laydhka ee qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa.


Shirkada Sompower oo mudooyinkii ugu dambeeyey si gaar ah u bartilmaameedsanaysay shaqaalaha shirkada Indha Birta ayaa isku dayday inay goyso xadhko la marinayey goob u dhawayd guriga taliyaha ciidanka booliska, balse waxa hor istaagay shaqaalihii gacanta ku hayey xadhkahaasi ee shirkada Indha Birta.


Sida ay sheegeen warar soo gaadhay Hadhwanaagnews shaqaalaha shirkada Indha Birta ayaa laga xidhay laba qof halka shirkada Sompower-na laga xidhay laba mid ah shaqaalaheedii isku dayey inay xadhkaha gooyaan balse ciidanka dambi baadhista ayaa shuruud la,aan ku sii daayey shaqaalihii Sompower halka kuwii Indha Birtuna ay ilaa hada xabsiga ku jiraan.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in falalka ay shirkada Sompower kula kacayso shirkada dhigeeda ah ee Indha Birtu ay yihiin kuwo si joogto ah u dhaca iyada oo dawladuna ay mar kasta dhinaca saarto shirkada Sompower isla markaana iska indha tirta cabashada laga qabo shirkadaasi iyada oo hadyo jeerna loo sii daayo shaqaalaheeda laga soo dacwoodo ee la xidho.


Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland oo hore u ahaa gudoomiyaha boodhka shirkada Sompower ayaa ka mid ah shakhsiyaadka gacansaarka weyn siinaya dulmiga ay wado shirkadaasi, halka hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi aanu wali fulin balan uu ku qaaday in suuqa korontadu xor ahaanayo isla markaana laga dareemayo inuu u janjeedho dhinaca shirkada Sompower.


Si kastaba ha ahaatee waxa ilaa haatan xidhan shaqaalihii shirkada Indha Birta halka xoriyadoodiina ay heleen kuwii Sompower taas oo muujinaysa awood dawladnimo ee ay shirkadani isticmaalayso taas oo doonaysa inay gaar u xidhato adeega korontada ee magaalada Hargeysa, waxaana la dhawrayaa jawaabta ay shirkada Indha Birtu ka bixin doonto dhibaatada kaga imanaysa shirkada Sompower.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha iyo Warar Kale Oo Ku Saabsan Dulmiga Sompower  Kala Soco Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...