' Bilicda Hargaysa Maxaa Ka Dhiman ''.

0
Monday February 10, 2020 - 08:11:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ' Bilicda Hargaysa Maxaa Ka Dhiman ''.

    Hargaysa oo ah magaaladda ugu Town plane wanaagsan dhulka Soomaaliddu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa oo ah magaaladda ugu Town plane wanaagsan dhulka Soomaaliddu
degto , gaar ahaan suuqa dhexe , kaasoo ingiriisu u sameeyey nidaam wanaagsan oo ahaa Plot kala wada go'an , Plot walibana lahaa No u gaara , waxaa dhex mara 16 wadda oo laami ah kuwaasoo kala ha 8 u socota Barri iyo galbeed iyo 8 u socota koonfur iyo waqooyi .



Hadaba wadooyinkaas waxaa xidhay laba sababood intooda badan .


1- Ganacsato ku habsatay wadooyinka dhexdooda .


2- Istaano baabuurta laggu kireeyo oo lagga samaystay .


Hadaba Bilicda Hargaysa waxaa ka dhiman labba arrimood .


1-In Istaanadda baabuurta lagga dhex saaro suuqa kuwaasoo laga dhigay sidan .


A-Baabuurta goboladda iyo degmooyinka u baxda in loo raro koonayaasha magaalada guud ahaan , si koonayaasha suuqyada ku yaala ay u camiraan , magaaladuna u kala nifisto.


B- In Istaanadda basaska loo raro laba goobood oo goob waliba ka kooban tahay istaamadda basaska Afar degmo .


2- Iyo in xal loo hello ganacsatadda ku soo xoonta dariiqyadda suuqa dhexe , taasoo la degtay bilicdii magaaladda Hargaysa .


Hadaba talooyinkaas iyo kuwo kale oo badanba waxaan u gaynayaa Maayarka Hargaysa oo aanu ka balansanahay hadii alle idmo , talooyinkaas iyo kuwo kaleba .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...