Madaxwaynaha Soomaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum xildhibaan Hore Baashe Yuusuf Cadde Oo Ku Geeriyooday Hargaysa

0
Sunday February 09, 2020 - 14:05:47 in Articles by
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Soomaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum xildhibaan Hore Baashe Yuusuf Cadde Oo Ku Geeriyooday Hargaysa

    Madaxwaynaha Soomaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum xildhibaan Hore Baashe Yuusuf Cadde Oo Ku Geeriyooday Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Soomaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum xildhibaan Hore Baashe Yuusuf Cadde Oo Ku Geeriyooday Hargaysa

TACSI MADAXWEYNE: 09/02/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan hore Baashe Yuusuf Cadde oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 09/02/2020,magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Haldoor ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa Xildhibaannadii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato, markii ay dib ula soo noqotay xorriyaddeeda, kuna suntanaa halgankii xornimo-doonka.

Image may contain: 1 person


Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...