Xanuunka 'Coronovirus'
sidaas awgeed waxaa aad u kordhaya dadaallada loogu jiro ka hortagga iyo iska ilaalinta Fayraskan sida aadka u fudud u faafaya. Hababka ugu horreeya ee dadku isticmaalayaanna waa in ay afka iyo sanka ku xidhaan marada daweysan ee afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Mask’ ee laga gashado iska ilaalinta in Fayraskani gaadho neefsiga qofka.
1. Awood intee le’eg ayaa uu af xidhkani u leeyahay ka hortagga xanuunka Coronovirus?
2. Af-xidh kasta (Mask / Maskaaro) oo caafimaad ma loo adeegan karaa ka hortaggan?
3. Sidee loo xidhanayaa?
Maskaaradu iyada oo guud ahaan caafimaadka loogu talagalay haddana awooddeeda iyo shaqadeedu waa ay kala duwan tahay, qaladaadka ugu badan ee waqtiygan dhacayana waxaa ka mid ah in dad badani ay isticmaalayaan midda ugu badan ee la helo oo ah tan ay dhakhaatiirtu xidhnaan xilliga qalniinka.
David Carrington oo ah Saynisyahan ku xeeldheer cilmiga Fayraska oo ka tirsan jaamacadda London, ayaa sheegaya in Maskarada ay dhakhaatiirtu xidhaan xilliga qalniinku (Surgical Masks) oo ay dadka ugu badani isticmaalaan, in aanu waxba ka tarayn iska ilaalinta Fayraska Koroono, iyo guud ahaan fayrasyada iyo bakteeriyada qofka neefta u raaca.
Khabiirka oo idaacadda BBC la hadlay waxa uu sheegay in afgashigu ay qasab tahay in uu yeesho sifeeya ama shaandho (Filter) awood u leh in uu reebo bakteeriyada.
Dr. Bender Salzburger oo ku xeeldheer xanuunnada faafa ayaa isaguna wakaaladda wararka ee Jarmalka u caddeeyey in maskaarada (Mask) loo adeegsado qalniinadu aanu waxba ka tarayn ilalaitna xanuunkan. Isaga oo intaas ku daray in ujeedada marka horeba loogu talagalay aanay ahayn in uu qofka ilaaliyo Fayraska iyo bakteeriyada sida ay dadka qaar u fahmeen, balse uu yahay in qofka qalan laga ilaaliyo wixii bakteeriya ama jeermis ah ee ka soo baxaya habdhiska neefsiga dhakhtarka ama qofka la jooga, si looga hortago in goobta qalan ay gaadho.
Taas oo macnaheedu yahay in Maskaaradani ay faa’iido leedahay oo keliya marka qofka xidhanayaa uu doonayo in aanu xanuun u gudbin qof kale, laakiin aanu waxba tarayn marka ay tahay in uu isagu is ilaalinayo.
Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in maskaarooyinku ay leeyihiin lambarro lagu garto awooddooda iyo waxtarkooda, nooca ay ku qorantahay calaamadda N95 oo aan ahayn tan qalniinka ayaanay sheegeen in ay tahay midda ugu hoosaysa ee u wanaagsan xaaladda la iska ilaalinayo Fayraska. Tirada 95 ayaa ay sheegeen in ay u taagan tahay in maradani ay boqolkiiba 95 qofka ka ilaalinayso fayraska, waana ay jiraan kuwo intaas ka sii sarreeya oo gaadhsiisan illaa N99.07.
W/Q:Kamaal Marjaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!