Faraskii Diinta Looga Bixi Gaadhay

0
Sunday February 09, 2020 - 07:40:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faraskii Diinta Looga Bixi Gaadhay

    Farduhu waxay ka mid ahaayeen meesiyada ugu qaalisan ee ay soomaalidu dhaqan jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farduhu waxay ka mid ahaayeen meesiyada ugu qaalisan ee ay soomaalidu dhaqan jirtay.
Farduhu waxay u ahaayeen ninka leh qurux, waxa sidoo kale lagu soo dhici jiray geela, waxa loo adeegsan-jiray war isgaadhsiinta, sahanka, duulaanka iyo dagaalka cadowga, safarka, sidaas awgeed ayaa uu soomalida uu ka jooqay meeqaam aad u sareeya.


 

Farduhu waxay ku amaaneen abwaanadii hore ee somaaliyeed gabay, iyo geeraar oo ka mid ah heerarka ugu sareeya ee maansada soomalida.


Gabay iyo geeraarba waa lagu amaanay fardaha waxaanan heli karnaa tusaaleyaal aad ubadan oo ka warama waxtarka ay leeyihiin farduhu.


Waxaan sidoo kale soo qaadanaynaa tusaale Labaad oo isna kawarama kalkacalkii loo hayey fardaha ee soomaalidii hore.


Sheekhadan waa sheekho ka dhacday geyiga soomaalida, waqtiyadii la qadarin jirey fardaha ahaayeena foolaadka meesiyada soomaalida.


Waxa la yidhi beri baa nin gebyaa ah oo kasoo jeeda deegaanka caabudwaag agagaarkiisa ayaa wuxu doonay inu guursado, markii uu reerkii uu ka guursan lahaa u tagay ee uu sidu hiduhu ahaa yeelay ayaa uu gabadhii weydiistay reerka, waxaanu bixiyey geelii yaradka ahaa, intaas markay dhacday ayaa lagu yidhi waa hagaage gabadha waxaan kuu dhisaynaa oo kaliya markaad faraskaaga ASHKIR HERERI yaradka aad kusoo darto.


Habkan wax laysku xidhayo ayaa inta badan laga adeegsan jirey deegaanada miyiga ah gaar ahaan waxa qofka lagu xujayn jirey inu keeno shey qiimo badan kaas oo lagu eegayo sidu hebel shaygaa u jecel yahay ee uu qalbiga ugaga jiro iyo sidu uga maarmi karayo marka ay timaado in shaygii uu jeclaa la weydiisto.


Abwaankaas oo lagu magcaabi jirey axmed muuse.

Ninkii  talo ayaa ku cadaatay waxaanu garan waayey wuxu yeeli lahaa, ogsoonoow ninkani farasku wuxu kaga yaalay meel aad u saraysa waxaanu uga qaalisanaa waxkasta, wuxu arintii rogrogaba wuxu goaan ku gaadhay goor saqdhexe ah, in aanu faraskiisa dhiibin, gabadhii iyo xoolihii uu bixiyeyna uu ka samro.


Waxa markiiba u yimid tolwadaagtiisii ama intii ay isxigeen waxaanay ku yidhaahdeen, waar ninyahow wuxu waa farase iska bixi oo gabadha soo kaxayso, waa uu qaadan waayey taladii xigtadiisa waxaanu go’aan ku gaadhay inu ka samro shay kasta oo ka baxay sidoo kale wuxu intaa raaciyey inu diinta ka baxayo hadii layidhaa faraska bixi waxaanu yidhi axmed muuse isagoo arintaas geeraar ku muujinaya:

·       Gabadh heenso wanaagsanoo

·       Qurux laysku habeeyey

·       Hibo eebe usiiyey

·       Aqal weyn hadhsanaysa

·       Hodan aabe tidhaahda

·       Hadii haatan la keeno

·       Huri mayo duqaygu.

 

·       Geela hawdiyo doolo

·       Laam hareeri kafoofa

·       Hadeeray cali muusiyo

·       Rag kaleetoon hubaa

·       Hadalkiisa hayaane

·       Hurimaayo duqaygu.

 

·       Hadii aan ashkir heeri

·       Hoo aan cid idhaahdo

·       Muslim haybti masheegto

·       Nabigiina haleeyey

·       Wiilashii haysadkiisiyo

·       Hinjigiisa yaqaanaa

·       Arinkiisa habawshoo

·       Hurimaayo duqaygu.

Halkaas waxaynu ka garanaynaa halka ay soomaalidii hore ka joogeen farduhu iyo siday waxkasta uga qaali sanaayeen.

Sida ku cad diiwaankii hore somalida, soomalidu waxay fardaha u qaybiyaan todoba midab oo kale ah (caynab, bulaale, qaaje, baroor, Ashkir, xamar, boos).

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]    Ama 0634240189

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...