"Waa In Magaalada Boorama Rasaasta Laga Daayo…" Wasiir Hore Qorshaynta Somaliland
"Waa In Magaalada Boorama Rasaasta Laga Daayo…" Wasiir Hore Qorshaynta Somaliland

Hargaysa(HWN):-Wasiir hore qorshaynta qaranka Cawaale Shirwac ayaa ka hadlay biyo ballaadhinta magaalada Boorama iyo dhacdooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Boorama.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cawaale Shirwac waxa uu sheegay in Mashaariicda horumarinta iyo Amnigu ay isla socdaan, isla markaanna aannay kala maarmin.
"Mashaariicda horumarinta iyo Amnigu way isla socdaan. Boorama ama gobolka Awdal waxa lagu yaqaannaa oo ay caan ku tahay degannaanshaha iyo Nabadda oo ay samcad wayn ku leeddahay. Samcaddaas waxa dhistay oo ka shaqeeyay dadka deegaankaas ku dhaqan, taasaanna keentay in gobolku uu soo jiito Mashaariicdaa waa-wayn oo runtii sida lagu hellaana ma dhib yarra."
"Boorama waa magaalo wayn oo dadkeeddu sii badannaayo, baahidda Biyuhunna way jirtaa oo way soo kordhaysay intaas, markaa Culima awdiinta, Madax-dhaqmeedka, waxgaradka iyo dhalinyaradda iyo guud ahaan bulshadda xil baa ka saarran inay ka ilaaliyaan wixii carqaladdaynaaya Mashaariicdaa horumarinneed,markaa inta aan xogogaalka u ahay arrintii dhacday maalintii dhawayd mooyee, bulshadda iyo Hay'addaha dawladduba diyaar bay u yihiin inay wada shaqeeyaan oo iskaashaddaan." Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qorshayntu
isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi "Gobolka Awdal waxa uu Somaliland ugu qoran yahay meelihii ay degannaanshuhu ka soo bilaabmeen, siddaan qabanna waxyaabahaas yar ee la sheegaayo ee rasaastii habbeenaddii dhawayd ka dhacday, runtii dadkunna garan maayaan meesha ay ka socoto, waxaannay u arkaan wax dib u dhac u keennaaya magaaladda Boorama iyo horumarkeedda, waanna Nasiib-wanaag in dadkii aanay ku faraxsanayn waxyaabahaas yar yar, taasinna waxay keennaysaa wada-shaqayn dhex-marta Hay'addaha dawladda iyo shacabka reer Boorama, waxaanna habboon in la baadho rasaastani meesha ay ka socoto, waayo dadkiiba jaha-wareer ayaa ku dhacay oo garan maayaan waxani meesha ka timid" Ayuu yidhi Cawaale Ibraahim Shirwac oo la hadlaayay Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...