Nuxurka Waraysi Uu Telifishanka SABC La Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland

0
Saturday February 08, 2020 - 15:54:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Waraysi Uu Telifishanka SABC La Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland

    Nuxurka Waraysi Uu Telifishanka SABC La Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Waraysi Uu Telifishanka SABC La Yeeshay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland

Hargaysa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa shaaca ka qaaday inay natiijooyin wanaagsan ku dhamaadeen wada hadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada WADDAN oo uu la yeeshay madax ka tirsan xukuumada Koonfur Afrika.



Md Jaamac oo socdaal shaqo afar maalmood ku jooga dalka una waramay Telifishanka SABC ayaa sheegay inuu madax kala duwan oo Koonfur Afrika ah kula kulmay shirweyne lagaga hadlayey arrimaha Macdanta, isfaham-na ku yeesheen xoojinta xidhiidhka labada Dal.

Mar la weydiiyey muhiimada socdaalkiisa Koonfur Afrika iyo waxuu ka rajeynayo inuu ka gaadho ayuu Wasiir Jaamac ku jawaabay, "Waxaan rajaynayaa inay wax badan ka soo baxaan. Muhiimada socdaalkayga Koonfur Afrika waa xoojinta xidhiidhkii hore u jiray ee ugu socday labada wadan, oo nasiibdarro, hakad yara galay, balse wakhtigan u joogo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka laba geesoodka ahaa ee Koonfur Afrika iyo Somaliland, isla markaana rajaynayaa inaan ku guulaysto, Idam Alle.

"Qododo dhowr ah isfahaM ayaan ka gaadhnay, kuwa xigana, yididiilo fiican ayaan ku qabaa inay noo suurtooban. Tusaale, Waxaan kaga qeybgalay magaalada Cape Town shirweyne ku saabsana Macdanta, waxaan kula kulmay madax kala duwan oo xukuumada Koonfur Afrika ka tirsan, dhowaana waxa ii qorshaysan inaan madax kale kulamo yeelanno.

Dalka Koonfur Afrika oo dhowaan qabanaya madaxtinimada Midowga Afrika, ayuu Wasiir Jaamac sheegay inay la kaashan doonaan isfaham dhexmara Midowga Afrika "Xaqiiqdii, taasi waa muhiimadaha ugu waaweyn ee socdaalkayga, waxaan rajaynayaa, annagoo kaashanayna madaxtinimada Koonfur Afrika inaan xidhiidh wanaagsan yeelano Midowga Afrika.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...