War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Go'aan Ka Gadhay sharciga Baatroolka

0
Saturday February 08, 2020 - 13:02:55 in News by
  • Visits: 2650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Go'aan Ka Gadhay sharciga Baatroolka

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Go'aan Ka Gadhay sharciga Baatroolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Go'aan Ka Gadhay sharciga Baatroolka


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor


Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.


Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.


Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...