Somaliland:Askar Qoryo Ula Baxay Masuuliyiin Shacab Ah Oo Ay Ka Waayeen Laaluush Ay Waydiiyeen
Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Garabka dhalinyaradda her Qaran ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Maxamed Siddiiq Dhame iyo Xoghayihii hore ee Duulista Xisbiga Waddani Nuura-diin Ibraahim Diini' ayaa siday ii Xaqiijiyeen labadani Siyaasi waxa Tacadiyo iskugu jiray Aflagaado iyo Quri ay ugu hanjabeen kula kacay Askar ka tirsani Saldhiga Booliiska ee Xaafadda Qudhac-Dheer ee Degmadda Maxamuud Haybe Ku yaala.
Xoghayihii hore ee Duulista Xisbiga Waddani Nuura-diin Ibraahim Diini' ayaa ii Xaqiijiyey dalka hatigaada iyo Aflagaadada ee isaga iyo Saaxiibkii Dhamme ay kala kulmeen Askari ka tirsan Saldhiga Xaafadda Qudhac Dheer ee Koonfurta magaaladda Hargeysa Ku yaala waxaanu Nuuraddiin-Diini uu Ku dooday in Saaka oo Saldhigaasi uu u tegay si uu u booqdo Maxbuus eheladiisa ka mida oo halka Ku xidhan markii uu Saldhiga Galay in Askari ka mida Bilayska Saldhigaasi Ku sugani uu ka dalbaday in uu Jaad u qaado balse markii uu Ku yidhi ma hayo uu Aflagaado iyo Qori uu ugu Hanjabay iskugu daray xooga iyo Riixitaana uu iskugu daray Saldhiga uu kaga soo saaray.
Xoghayihii hore ee Duulista Xisbiga Waddani Nuura-diin Ibraahim Diini oo si kooban iiga Xog waramay falka uu kala kulmay Askarta Saldhiga Qudhac-dheer "Walaal Saaka waxa goor dhawayd Saldhigan Qudhac-dheer aanu kala kulmay Aflagaado iyo Handadaad ka dib markii aan Saaka Saldhigaasi u tegay qof Ehelkayga oo halka Ku xidhnaa ayaa Nin Askari ahi Saldhiga dhexdiisa igu yidhi jooga waaryaa ka dib waan istaagay waxa uu igu yidhi maxaad u socotay waan u sheegay waxa uu igu soo Jawaab celiyey in aan QAAD u qaado si uu iigu sii daayo in aan Qofka xidhan booqdo ka dibna waxaan Ku Idhi Walaalo lacag imika ma hayo ee waan ka xumahay IGA raali noqo ' ka dib mar qudha ayaa inta uu xanaaqay uu Aflagaado iyo Handadaad iskugu Kay daray waan yaabay waxaan Ku idhi Askari maxaad igu Aflagaadaysay waxa uu igu yidhi inta uu Qorigii soo rogtay waliba wax kale ayaan kugu Dari ee Bax waar oo Saldhiga Noo dhaaf isaga oo aad ii Aflagaadaynaaya' waxa ii yimid Saaxiibkay Maxamed Siddiiq Dhamme oo ilaa soo Istaagay Aniga oo Yaaban ka dibna Askarigii ayaa nagu soo Noqday oo Hanjabaadii mid LA mida nagu Bilaqbay oo Tukhaan tukhisna noogu daray sidii ayaanu kaga soo baxnay Saldhiga.."
"Falka aanu Saldhigaasi Askarta joogta Saaka kala kulanay waxaan gaadhsiinay Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer Maxamed Camuudo oo aanu Saldhiga hortiisa kula kulanay balse Nasiib daro wax Ixtiraama iyo in uu Askarigaasi nagu gefay ee Laaluushka na waydiiyey ka qaadi doono wax talaabo ah midna noomo muujin ee wuu iska kaaya dhaafay oo Saldhiga ayuu iska galay' hadana waxaan Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland md Maxamed Saqadhi (Dabagale) ka codsanayaa in hawshii wanaagsanayd iyo Bushaaradii Shacabka iyo Ciidanka Bilayska ee Somaliland Ku diirsadeen ee u SSaxaafaddaka sheegayey maanta waxaan taliyaha u cadaynayaa in xaalku wali sidii hore waxba iskama bedelin Askarigaana aan uga fadhinaa in u talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.."
Intaas ayuu hadalkiisa Ku soo koobay Siyaasi Nuuradiin Diini.