Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaaminta Qaloocan Ee Muuse Biixi Ay Horseeday In Aqoonyahankii Dalku Ay U Guuraan Muqdisho.

0
Saturday February 08, 2020 - 12:22:48 in News by
  • Visits: 2787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaaminta Qaloocan Ee Muuse Biixi Ay Horseeday In Aqoonyahankii Dalku Ay U Guuraan Muqdisho.

    Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaaminta Qaloocan Ee Muuse Biixi Ay Horseeday In Aqoonyahankii Dalku Ay U Guuraan Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaaminta Qaloocan Ee Muuse Biixi Ay Horseeday In Aqoonyahankii Dalku Ay U Guuraan Muqdisho.


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hogaanka somaliland ee wakhtigan ku eedeeyey inuu soo laabay rajada dhalinyaradii aqoonyahanka ahayd ee wax u soo bartay dalka.

Image result for faysal cali waraabe


Gudoomiye Faysal oo ka hadlay kulan uu la qaatay dhalinyaro uu waxbarashada ka maalgaliyey oo shahaado ku maamuusay ayaa tilmaamay in masuuliyiinta dawlada Soomaaliya ay ka faa,iidaysteen aqoonyahankii somaliland oo ku sii qulqulaya Muqdisho.


Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya sida hogaanka somaliland u rajo tiray dhalinyaradii aqoonyahanka ahayd ee dalka ayaa waxa uu yidhi ""Umada waxa matala hogaanka, haddii uu hogaanku xumaado shacabkuna wuu xumaanayaa, madaxnimada iyo hogaamintana lama cidhiidhsado haddii aad cidhiidhsatana marka meesha laguu dhiibo waad fashilmaysaa waana ta maanta ina haysata, ilaa 1993 ayeynu wasiiro samaysanaynay haddii aad istidhaahdo yaad soo celisaa oo aad u fikirtana inyar ayad helaysaa.”


Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxda soomaaliya ka faa,iidaysteen dhalinyaradii waxbaratay ee somaliland "Da’da imika soomaaliya u qabqablaysa ee yarkan farmaajo iyo guruubka kurayda ah somaliland ma laha, waxaanay maanta soomaaliya inagaga fiican tahay aqoon, kuwaas imika ordaya ee Xamar dagayaa aqoontii ayey leeyihiin oo gaaladii ayey afgaranayaan aduunkana way la xidhiidhayaan, inagana hay’addaheena hadii la eego qof kaliya oo garanaya meesha uu joogo aqoonteeda ma jiro, marka hore-na looma qoro yaa wax ka taraya oo aqoonteedii leh ee yaa reer hebel ah ayaa lagu qoraa.”


Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ugu badan ee somaliland ka dhaqaaqi kari wayday "Waxyaabaha ugu daran ee maanta uu dalku la socon la yahay waa aqoon daro, waxaana jira dhalinyaro badan oo dibadaha wax ku soobartay oo khabiiro ah kuwaasna ma qorano oo Xamar ayaa qaadatay inaguna aqoon uma jeedno ee reer hebel ayeynu u jeednaa iyo xisbiyada anagana waxa xisbiyada noogu yimaada qaar noo soo shaqo doonta balse qaar wax soo bartay nooma yimaadaan laakiin aqoon ayaa lagu kala baxayaa oo reer lagu kala bixi maayo.”

Loading...
Loading...