'' Is Badalka Geeska Afrika ''.

0
Saturday February 08, 2020 - 07:44:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Is Badalka Geeska Afrika ''.

    Labada Sodan ee dhawaan kala go'ay way adag tahay isu socodkoodu ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Sodan ee dhawaan kala go'ay way adag tahay isu socodkoodu ,
Kenya iyo Soomaaliyana way adagtahay iyana isu gudub koodu , sidoo kale Ethopia iyo Eriteriya inkastoo ay dhawaan heshiiyeen hadana dhinaca dhulka weli isuma socon karaan .

Geesta kale , Eriteriya iyo Sodan xuduudkoodu waa mid xidhan , Jabuuti iyo Ereteryana xuduudkoodu ma furna , Kenya iyo Itoobiya ayuun baa isu socon kara inkastoo qulqulatooyin jiraan .



Dhinaca kale , Somaliland waxaa si fiican isu socodku uga socdaa dhinaca barri ee soomaaliya oo maalin walba basasku u kala gooshaan , dhinaca Waqooyi galbeed ee Djabouti oo aanay marna baabuurtu kala joogsan iyo dhinaca galbeed oo wadooyinka laamiga ah ee Hargaysa ilaa Adis ababa ay mar walba mashquul yihiin .


Sidaa markay tahay , gobolka geeska afrika meesha ugu muhiimsan ee dhan u furan , halbawlahana u ahi waa Somaliland , isbadal kasta oo geeska ka socdana halkaas ayaa sal-dhig u ah .


Sidaa awgeed , xukuumaddu iyadoo kaashanaysa ganacsatada waxaa laga rabaa in ay keento siyaasadd rumayn karta in Somaliland noqoto xudunta geeska afrika , haday tahay ganacsiga , caafimaadka , aqoonta iyo dhaqanka .


W/: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...