Dulmi Deegaan Kuma Geeyo (Abdi-Shotaly).

0
Saturday February 08, 2020 - 07:31:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dulmi Deegaan Kuma Geeyo (Abdi-Shotaly).

    Degma-deenu burburtoo, damiin aan wax garanayn iyo imikaa askari degay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degma-deenu burburtoo, damiin aan wax garanayn iyo imikaa askari degay,
digtoonawdu soctaa, dig-taas uun ku jira bay, dabuub-tiisi noqotoo, waxa loo dig leeyahay, kala didi dalkoo idil, xaaraan daldala oo, ku shaqayso duuf-laal, aan doocna garnayn, sii durugtay xaajadu, isagays dabraayoo, caqli-qiisu waa dame, dibaa looga sheekayn, hadaan dooh la odhanoo, lagu ridin daluun adag. kuma diirsa-nayside, haw dudin, dar buuxiyo deegaan in aad degi. horaa loo yidhi " dulmi deegaan kuma geeyo'e" Maqaal-kani wuxu ku socdaa muwaadi-niinta reer somaliland, intii aan reer hebel ku durbaan tumayn, ee jecel in ay Somaliland noqoto dal jira, ee u daacadda ah ummad-doodda. Aan hoos u daadego oo taabto halka ay salaadu ka xidhmi la'dahaye, wuxu yidhi ( IHN) Cabdilahi suldaan Timacade, " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e" Waa taas loo kala ab-tiriyey shicibkii, ee iniba gees looga baaqaayo. ku bas beeshay tallo askari ee dirgan la', bad-weyn dhex-deedda kula degtay dooniddii, cid ka saar-taana ay weyday, madaxa ku soconaysa, afartii waax-yood-ba midba gees u dhaqaaqay, gacmahii dabarka lagu xidhay, indhi-hiina laga riday, ee hadeer geeri go'anka taagan, cid u maqan iyo ceel u qodani mid-na aanu jirin, ka-ka caawin lahaana waa adiga, ee badbaadin lahaa, laakiin waxad ka door biday, beenta lagugu dhaqaayo iyo maxaa runta loogu sheegayaa, ka aanu isku reerka nahay, wuxu doono ha sameeyee, ee waa su'aale yaa dhib ku qaba?

 

Caamir waa saleelo'e, anaa haatan caymadiye, bal amuurtan u fiirsadda, adba waad yaabi doon-taaye. Ka puntland badhisaabka ka ahi, hore wuxu u tegay, una qaatay, oo uu si wacan oo xarago leh u goostay, qayb wadan-keena ka mid ah, cid juuq ka tidhina aanay jirin, xildhi-banaano mooyaane, weli maamulka asakrigu nuu iyo naa kama odhanin. ninka hor joogaha ka ah maamulka majeerteenku, wuxu shirkii wasiirada-diisa ku qabsaday Badhan, weliba wuxu ka dhisayaa Xarunta golihiisa wasiiradda, taasi way ku deysay, cid hadal haysaana ma jirto, oo adoo nool buu askarigu hadiyad u bixiyey dhul-keenii. Hadda waxa uu ku sii darsaday oo uu yimi Dhahar oo uu iskaba degay, isaga oo aan cid-naba wax iskaga tirinayn, buu dhoola tus iyo yaa igu haysta ku tegay, waana runtii, oo waa taas maamulka askarigu ka baqay in uu erey qudha ka yidhaaho, farsamo kale-ba ha sii joogtee, saw xaalku maaha murtiddii ahayd " Fartu diidaye ma fulaa dhaqay". Allay-lehe, inteedaan ku sugay aradka gaaroodi, in maalin-ba-maalinta ka dambays jeex ka mid ah dal-keena cadw sii goosto, yaase u fududeeyey, weeye su'aashu? jawaabtu waa askarta meesha ku shuraakawday, oo iyaka aanay wax ka gelin, jeebka ka buux-sadda mooyaane. Talo waxay ka noqotay oo keliya, iska ad-keeya beelo aan denbi lahayn, oo Xamar bay rabana ku been fariima, iyo siddii ay kursiga u xejisan lahaayeen.

 

 Askari-gani markuu tegay goboladda bari, wuu ku dhici waayey in uu qabto Badhan iyo dhahar, waayo waxa joogay Ka puntland haysta, fulaynimo iyo baqdin awgeed buu dabadda soo geliyey Ceerigaabo, oo dhibiga baa loo qorey, kumana dhaco in uu tago, ilayn dan-tiisa maaha, oo waxba kama gelin wixii la qaada-naayo'e, isaga waxa u daran, sidee baad dhaqaale aad urursato u heshaaye. Intaas oo keliya maahee, Gobolka Saylac kala badh baan ku jirin gacan-teena, oo ka jabuuti iska yeeshay, cid ku haysatana haba sheegin, wax maamul iyo talo ah, oo aynu ku leenahay-na ma jirto. cayn waxa xukuma maleeshi-yaad ka soo jeedda Puntland. Waxay shaqaddii askartu noqotay mid-ba mid ku dir, oo intii lagugu soo jeesan lahaa, iyaka iska hor keen, ha iska laalaadeen, idina ka dhex xoog-sadda. Wuxu qoraal-kani ku soo af go'ayaa. ummad yahay, haddii aad tashan waydaan, waa la idiin talin, waxay ku socotaa imika xamar, oo waataas la inaga xidhay safaaraddii Kiiniya, itoobiya, jabuutiye, maxaa idiinka meel yaala?

 

    N. B Caamir Waa Saleelo'e, Anaa Haatan caymadiye.

    Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...