Bah-dilaada, Xaqiraada, Colaada Beesha Habar Yoonis Ku Hayso Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Saamiyada Ay Doonayaan Sidee Bay Isu Qabanaysaa?!.

0
Sunday March 31, 2019 - 16:12:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bah-dilaada, Xaqiraada, Colaada Beesha Habar Yoonis Ku Hayso Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Saamiyada Ay Doonayaan Sidee Bay Isu Qabanaysaa?!.

    Professor: Sulaiman Salah Ibrahim Burao Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor: Sulaiman Salah Ibrahim Burao Somaliland.

Tan Iyo Intiii Uu Madaxwaynaha Noqday Mudane Muuse Biixi Cabdi, Beesha Habar Yoonis Waxay Go'aan Ku Gaadheen Inay Dagaal Toosa La Galaan Xukuumadda Madaxwayne Biixi Ama Xukuumadda Beesha Habar Awal, Waxayna Wacad Ku Mareen Inay Muddo Xileedkiisa Muuse Biixi Ay Kaga Dhameeyaan Jabhad Hubaysan Oo Beeshu Yeelato, Madaxdhaqameed Tv-yada Soo Fadhiista Oo Ku Tiraaba Xukuumadda Waxba Kuma Lihin, Oo Xukuumadda Muuse Biixi Waxay Ka Kooban Tahay Laba Beelood Habar Jeclo Iyo Habar Awal, Waxaa Iswaydiin Leh Wakhtigii Xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Ama Xukuumaddii Udub Waxaa Shuraako Ama Isgaashaanbuursi Ama Jeegaan Ku Wada Ahaa Beesha Habar Yoonis Iyo Beesha Samaroon, Haddana Beelaha Kale Ee Ku Midoobay Xisbiga Kulmiye Tv-yada Kamay Barooran Jirin Oo May Odhan Jirin Saamiga Xukuumadda Wax Ha Nalaga Siiyo, Balse Waxaa La Karantiimayn Jiray Wasiiradda, Agaasimayaasha, Taliyayaasha Ciidamadda, Badhasaabyada Ay Isku Haybta Yihiin Beelaha Ku Midoobay Ama Ugu Badan Xisbiga Kulmiye Oo Ah Beesha Habar Jeclo


Iyo Beesha Sacad Muuse, Inkastoo Beesha Ciise Muuse Ay Ka Tirsanaayeen Xisbiga Udub

Waa Ayaan Daro Aad U Fool Xun Iyo Fulaynimo Uu Ku Dhaqaaqay Madaxwayne Biixi Inay Bah Dilaad, Xaqiraad Iyo Colaad Wax Kaga Raadsadaan Oo Ay Ku Doodaan Xukuumadda Kulmiye Saami Wanaagsan Nalagama Siin Oo Kuwayagii Hore U Joogay Ayaa Laga Eryey Boosaskii Ay Haysteen!!!!!!.
Waxaan Is Qabanayn Xusbiga Wadani Ayaanu Dhiig Iyo Dheecaan La Nahay, Xukuumadda Kulmiyena Waa Inaanu Ka Helno Qayb Aad U Wayn Oo Weliba Nalooga Sadburiyo Beelaha Habar Jeclo, Oo Aanu Saraakiisha Ciidamada 45% Ku Yeelano, Agaasime Waaxeedyada 40% Ku Yeelano, Shaqaalaha Dawladda 50% Ku Yeelano, Ciidamadda Milateriga 55% Ku Yeelano, Hogaanada Ciidamada 40% Ku Yeelano, Scholarshipyada Ama Deeqaha Waxbarasho Ee Dibadda 60% Ku Yeelano,

Deeqaha Waxbarasho Ee Ciidamadda Dibadda Loo Diro 55% Ku Yeelano.
Isuduwayaasha Goboladda 35% Ku Yeelano.

Madaxwayne Muuse Biixi Isagoo Baqdin Aad U Wayn Ka Qaba, Godobtii Uu Ka Galayna Madaxwaynihii Ugu Horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland Mudane CabdulRaxmaan Axmad Cali Allaah(Swt) Ha U Naxariistee.

Muuse Biixi Wuxuu Ku Khasban Yahay Inuu Xaaraan Iyo Xalaalba Ugu Sadburiyo Beesha Habar Yoonis, Haddii Ay Noqon Lahayn Hogaanada Ciidamada, Saraakiisha Ciidamada, Ciidamada Lugta, Dalacaada Derejooyinka, Weliba Wasiiradda, Agaasimayaasha Ka Soo Jeeda Beelaha Habar Jeclo, Iyo Wasiiradda Kale Ee Beelaha Somaliland Uu Khasab Kaga Dhigay Inay Agaasime Waaxeedyadooda Haddii Ay Sagaal Yihiina Shan Agaasime Waaxeed La Siiyo Beelaha Garxajis Oo Agaasime Waaxeedyada, Isuduwayaasha Iyo Maamulayaasha Cashuuraha Beriga Laga ILaaliyo!!!!!!!!!.

Baqdinta Iyo Fulaynimada Uu Ugu Sadburinayo Xisbiga Wadani Ama Beesha Habar Yoonis, Halkii Loo Sadburin Lahaa Ama Saamiyaddii Ka Maqnaa La Siin Lahaa Beelaha Darafyadda Sida Ciise, Samaroon, Gabooye, Dhulbahante Iyo Warsangeli.

Soomaalidu Waxay Ku Maah Maahdaa Nimaan Warankaagu Gelin Weedhaadu Ma Gasho, Beelaha Somaliland Waxaan Kula Talinayaa Inaanay Laba Is Qaban Habar Yoonis Oo Xisbiga Wadani Leh Oo Haddana Doonaya Inay Qayb Wayn Ku Yeeshaan Xukuumadda Kulmiye Iyo Hay'adaha Ajaanibka.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...