Amniga & Hormarka Gobolka Awdal Oo Laga Shiray.(Sawiro)
Wasiirka Caafimaadka Oo Bulshada Kala Shiray Sugida Amniga & Arimaha Hormarka Gobolka.

Kulan hadhimo sharafeed ah oo diirada lagu saarayay xaalada amni ee gobolka Awdal iyo arimaha la xidhiidha horumarka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Borama.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Bare ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha HIV-ka Somaliland mud Cabdishakuur Ismaaciil Muumin iyo Xubin ka tirsan komishanka Doorashooyin qaranka Mustafe Maxamed Daahir Dhawal, Dhalinyaro, Xildhibaano heer Degmo iyo heer Qaran-ba leh Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Biyaha, Mayarka Degmada Borama, Badhasaab ku xigeenka gobolka, Saraakiisha Amniga Gobolka iyo xubno ka socday Bulshada Rayidka ah.
Wasiirka Caafimaadka Md. Cumar Cali Cabdilaahi oo kulankan furay ayaa si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya amniga iyo horumarka gobolka uu hiigsanayo, kuwaas oo uu tilmaamay inay yihiin laba aan kala maarmin.
"Inteena maanta halkan iskugu timid hadii aanu hal hadaf yeelano waanu ka miro dhalin karnaa waxa loo baahan yahay runtuna ay tahay in hadafka ugu muhiimsan in bulsho ka midaystaanto uu yahay helitaanka iyo suguda Amniga, Amniga ayaa ah tiirka ugu horeeya, la'aantiina aanu hormar iyo waxwalba oo kale oo nolosha kaabaya aanu jirayn, sidaas darteed waxaan idinku boorinayaa in gacmaha la isku qabsado Amniga ilaalintiisa, bulshadana lagu wacyi galiyo in laga shaqeeyo amniga, gacanna lagu siiyo saraakiisha amniga sidii balad-keenu uu u noqon lahaa mid aamin ah oo la soo hiigsado"
Isaga oo intan sii wata ayaa waxa uu wasiirku yidhi " , Marka amnigeenu uu noqdo mid sugan oo yar iyo wayn la wada ilaalinayo, waxa aan hiiigsan karnaa hormar, ka balaadhan kan maanta noo hirgalay, hormar nolosheena wax ka badala meeshana ka saara baahida iyo jahliga, si hadaba taas loo gaadho ama aan u hiigsano, waxaan inigu boorinayaa inaad qaybaha kala duwan ee bulshada aanu ka kala socono ku jihayno ka qayb qaadashada horumarka, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in aqoonta iyo xadaarada gobolka taalana loo guntado sidii looga dhigi lahaa mid meesha ka saarta qabyaalada bulshada jahwareerisay"ayuu hadalka ku soo afmeeray Wasiir Cumar Cali Bare"
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Md. Axmed Cabdi Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa is dul taagay xaalada amni ee gobolka, waxuuna tilmaamay ahmiyada ay leedahay in wada jir looga hor tago cid kasta oo isku dayda inay wiiqdo amniga, isagoo xusay in aan amniga gobolka aan loo daba fariisanaynin cid aan dawlada ahayn.
Barasaab kuxigeenka Gobolka Cawaale Faarax Cilmi iyo Mayarka degamada Borama Saleebaan Xasan Xadi ayaa soo dhaweeyay kulankan, waxana ay bulshada ka codsadeen in farta loogu fiiqo cida amni darada gobolka ka shaqaynaysa, si ay sharciga ula tiigsadaan, waxayna balan qaadeen inay ka qayb qaadan doonaan sugida Amniga iyo wacyi galinta bulshada ee dhinaca ilaalinta amniga iyo ka qayb qaadashada hormarka.

![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |

Loading...
Loading...