Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Inay Faragelin Ku Hayso Maamul Goboleedyada

0
Friday February 07, 2020 - 15:45:27 in News by
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Inay Faragelin Ku Hayso Maamul Goboleedyada

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Inay Faragelin Ku Hayso Maamul Goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Inay Faragelin Ku Hayso Maamul Goboleedyada


Hargeysa(HWN):-Dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay iska fogaysay in ay farogelin ku hayso maamul goboleedyada dalka ka jira, taas oo marar badan lagu eedeeyay.

Image result for maaamul goboleedyada soomaaliya


Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mar uu maanta la hadlay tvga ku hadla afka dowladda ayaa sheegay inaysan jirin wax faragelin ah oo ay ku heyso dawlada Soomaaliya maamul gobaleedyada dalka ka jira.


Wasiir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in madaxda maamul gobaleedyada hadalkooda ah in faragelin lagu hayo qeybo kamid ah ay tahay wax laga xishoodo maadaama dalka ay masuul ka tahay dowladda federaalka ah dastuurkana uu dhigayo in dawlada dhexe ay maamusho guud ahaanba dalka.


Hadalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli madaxda maamul goboleedyada dalka ay dawlada Soomaaliya ku eedeeyaan in ay faragelin ku hayaan maamulada ay ka taliyaan, taasina ay dhalisay hadal hayn badan.

Loading...
Loading...