Wasiir Maareeye oo ku tilmaamay ciidanka la geeyay Gedo In Ay Xaqyihiin
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,waxaana arrintaasi ka dhashay hadal-heyn badan oo ku saabsan sababaha xilligaan halkaasi Ciidamada loo geeyey.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Ciidamadaas ay yihiin Millateri,isla markaana dowladda ay si sharci ah Gobolkaasi u geysay.
Waxaa uu sheegay in ciidamadaas ay yihiin kuwo u taagan difaaca dalka,sidoo kalena ay Dowladda Ciidamo ay geyn doonto dhamaan Gobolada dalka,hayeeshee uusan ka bixin faah faahin intaasi ka dheer.
Maamulka Jubbaland oo uu Gobolka Gedo kamid yahay deegaannada Maamulkaas ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay kusoo duushay,isla markaana ay iska difaaci doonaan.