Xakayment musuqmaasaqa iyo dawlada Somaliland.

0
Sunday March 31, 2019 - 16:06:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xakayment musuqmaasaqa iyo dawlada Somaliland.

    Maqaalkan waxaan kaga hadlaya xakamaynta musuqmaasaqa Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan waxaan kaga hadlaya xakamaynta musuqmaasaqa Somaliland.

Marka ugu horeysa waxaan mahadnaq u soo jeedinaya Madaxweynaha Somaliland mudane Muse Bixi Cabdi, oo noqday madaxweynihii u horeeyey oo isku daya inuu xakameeyo musuqmaasaqa. 28 sano ay Somaliland jirtay wa markii ugu horeysay aynu aragno madax sare oo dawlada ka tirsan oo la baadho musuqmaasaq lagu eedeyo oo loo xidho ama xilka musuqmaasaq dartii looga qaado. Mudane madaxweyne talaabada aad qaaday wa arrin lagu farxo oo horumar xagga maamulka ah, laakiin welli halkii la rabay lama gaadhin waxaa kuu soo jeedinayaa in masuulka lagu eedeyo musqmaasaq inaanay ciqaabtiisu noqon xilkoo laga qaado oo keliye ee uu wajaho sharciga (full force of the law) maxkamada la soo taago sharciguna sareeyo. Haayadaha dembi baadhistana iyo hantidhowrkana la tayeeyo awood distooriyana loo siiyo inay baadhi karaan dembina ku soo oogi karaan qof kastan dawlada ka tirsan awood kasta uu leeyahay ama xilkasta oo uu hayo.

Musuqmaasaq (Corruption) waa marka hantidii ummada si khaladan oon sharciga waafaqsaneen madaxda dawlada u isticmaalaan ama si shakhsiyaba uga faiideystaan. Musuqmaasaq waxa u gaadhsiisanyahay ilaa madaxda ugu sareeysa xukuumada ilaa laalushka lagu kala qaato shaqada asaasiga ee loo qabanayo muwaadinka sida laalushyada ay qaataan saraakisha xafiisyada hoose fadhiya sida rugaha cashuuraha, sarkiisha fadhiya xafiisyada dawlada nooca kastaba ee luugu adeegayo dadweynaha.

Dadweynaha iyo musuqmaasaqa: Hab dhaqanka bulshadu qeyb ayuu ka yahay korinta musuqmaasaqa. Waxaad arkaysa dad difaacaya dadka lagu eedeyo musuqa ama ku doodaya maxaa loo xidhay. Dadweynow waxaad doonaysa daryeel iyo adeegyadii asaasiga ahayd ee bulshada inaad hesho sida, caafimaad, waxbarasho, biyo , wadooyin, laydh iyo nabadgelyo. Hantidii adeegyada lagu fulin lahaa qofka lunsada ama xadayna waxaad ku doodaysa maxaa loo xidhay adigoo adeegsanay qabiil.

Dadweynaha waxaa la gudboon in dawlada iyo madaxda kula xisaabtamaan maxaa deegaankayga loo qabtay sida cafimaadka, waxbarashada, biyaha, wadooyinka iyo nabad gelyada lakiin maha inaad waqtiga iskaga lumisaan waxyaabo aan dan u ahayn deegaankiina iyo wadankaba.

Waxaa dhaqan aad u xun ah in bulshadu maamusto ama magac sare iyo xishmad ay ku dhexyeeshan shakhsiyaadka la og yahay intii ay ka tirsanayeen dawladihii Somaliland so maray inay hantidii umada si shakhsiya ugu tagri faleen kana taajireen welina doonaya inay wadankan madaxweyne ka noqdaan bal is weydii hantidan ay haystaan oo hankan ay ku yeesheen xagee ayey ka keenen.

Sharciga waa inuu sareeyey sharciga waa in loo sinaada. Sharciga maha inuu qabto uun qofka miskiinka ah ee taagta darran.

Waxaan mar labaad u mahadnaqaya Madaxweyne Muse Bixi Cabdi xakamaynta musuqmaasaq ee u bilaabay. Dadweynaha waxaan ka codsanyaa in arrinkaa dawlada lagu taageero.

 

Allah Mahad leh

 

Kosar Aideed Abdi

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...