Ha U Duulina Shiinaha Itoobiya Diiday!
Haddaba cudurkani markii uu kumanaan qof ku dhacay boqolaal qofna ugu dhinteen Dalka Shiinaha una gudbay 15 Dal ayaa haayada caafimaadka Aduunku digniin kasoo saartay in aan loo safrin magaalada Wuhaan, inkastoo markii danbe raacisay Dalka Shiinaha oo dhan, si loo xakameeyo faafida cudurkan, iyadoo judhiiba dalal badani ka daad-gurteen muwaadiniintii ka joogay, iyagoo guryo Celintoodii goobo lagu baxnaaniyo ku xereeyey si haddii ay cudurka qaadeen aanu u faafin, waxayna qaateen digniintii socdaalka ee haayada caafimaadka aduunka kasoo baxday waxaana judhiiba joogsamay 59 duulimaad oo 44 Dal iyo Shiinaha iskaga gooshi jiray, sikastaba ha ahaatee waxa iska dhago maray digniintaa Dalka itoobiya oo duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee labada Dal ukala Socon jiray sii wada, talaabadan oo cabsi ku abuurtey dalal badan oo aduunka ah oo diyaarada itoobiya tagto, se waxa hadda qaylo dhaankoodu isasoo tarayaa dalalka Afrikaanka ah ee aadka u adeegsada dayuuradaha itoobiya ama siimara ee kusii hakada "transit" Dalkaas, waxaana durba lala xidhiidhiyey ruuxii ugu horeeyey ee Dalka Botuswana " Botswana" laga helay ee cudurka qaba, kaas oo ah arday Shiinaha ka yimid oo la socday dayuurada itoobiya.
Hadal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka itoobiya waa labo Dal oo oodwadaag ah oo leh xidhiidh ganacsi iyo xidhiidh duulimaad joogto ah oo aad iskugu socdaala cir iyo dhulba, caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxa ay ka midka tahay goobaha sidda joogtada ah ay usoo cago dhigato dayuurada itoobiya markaa waxa haboon in muwaadiniinta adeegsada dayuuradaha iyo kuwa gaadiidka Dhulka ugu socdaala Dalka itoobiya la wacyi geliyo loona sheego walaaca lago qabo dalkaa iyo dayuuradaa dhagaha ka furaysatay digniintii caalamka, tahayna in laga taxadiro, si allaaba badane in lasii tabaabushaysto oo qorshe haddiiba, lagasii arinsadaa haboon tahay, Illaahay inaguma keenee waa cudur dunidii cabsi geliyey.
Se ha u duulina Shiinaha itoobiyan eerlayn diiday! Derisna waanu nahaye Alow sahal amuuraha.
Wabilaahi tawfiiq
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!