Ratigaan Hayin Ahayn Rarka Lama Dul Saaro (Abdi-Shotaly) .

0
Friday February 07, 2020 - 08:24:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ratigaan Hayin Ahayn Rarka Lama Dul Saaro (Abdi-Shotaly) .

    Dadaw quuso, kuu askarigan waalani u soo dirtay Boorame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaw quuso, kuu askarigan waalani u soo dirtay Boorame
( badhisaab ku sheega), ee uu yidhi ii maamul, yaa caayey Illaahay iyo Nebiggii ( Csw), Diin-teenii suubanayd,  qaar-na u dooda-yaan, waaba gaalo ururtay, oo ay imika u samaynayaan sheeko been ah oo ay isku difaacaan, hore-na gaal daboole ah baa loo keenay Dalka, oo yidhi habla-heenii is dhunkadda ( Waa waxa lagu xidhay Coldoone), ee la yidhi maxaa runta u sheegaysaa. Waxa idiin hadhay idinka baa sheegi doono, ee ku soo dhawaadda arimahan hoosa-na.

 

Markay ribatay, daba roortaa, rugtan ku tashday, inay rogmatoo, riyo neefaaq, beenta la rog-rogo, uu ku rubad go'ay, rif-irf-keeddii, kii u roonaa, tuugu raacee, rafad-keeddii, ku riyaaqaan, askar raad xumi. Hees baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Ratigaan hayin ahayn, aqalkuu ridaayoo, rarka lama dul saaro " Akhristaw tani waxay isku maaweeli-naysaa, wax aynu isla wadda og-nahay, oo aan qof-na ka qarsoonayn, ma waxad na leedihiin haddii aad tihiin, kuwa ku taageeraaya xaq darradda, isku xaafad baanu nahay ninka kursiga boobay. " Qabyalad-na aad ugu sacab tumaysaan waa qaran-nimo, ta mucaarid-kuna waa reer-nimo? Inaka oo  mid walba waxa uur-kiisa ku jira, uu ka kale is cadaan ah u og-yahay, waxa uu sacabka ugu garaacayaa askari-gana ay tahay reernimo (Ilayn wuu arkaa khaladka'e). Haday illaahay ka baqayaan way qaban lahaayeen, hadana waxa lagu mar-mar-soonayaa Somaliland baa la duminiayaa ( waxaas baan isula imanaynaa,ee runta ha la isu sheego. oo uu ku barbar taagan yahay khalad kaste iyo xumaanta uu walaaqanaayo, iyadda oo sidaas ah, baan misana doonaynaa in aan isu ciyaaro ama isu akhrino, sheekaddii caruurta lagu maaweelin jirey ee ahayd " Gorey god gel, god diin gel, diin god gel, god gorey gel" iyo wax ka sii daran, idinka oo dedaaya musuqa baahay, cadaalad daradda, in gaar ah la iska xidhaayo, oo ay ku dhaqmayaan maamulka askarta iyo kaba-qaadya-doodu. sidda uu cinwaanka maqaalku sheegaayo, lama mahadin la soo noqoshaddii la lahaa xornimaddii ay dadkan u soo halgameen, ee ay ku dhinteen geesi-yadddii ku naf waayey. Waxa la is waydiinayaa maxay doona-yeen? Raggii dalkan ka eryey Af-weyne, sawtan iilka loo sii dheereeyey, ee xabaasha ka yar loo sii qoday, ee ka xumaatay, tii qoriga loo qaadtay, ee mood iyo nool loo soo huray ( Back to square one).

 

 Ilaahaw waad ogd sidan u ahoo, u sheegay oo eeedi ima hasee, aqbli waaye eraya-dayddii, ahaatay ibtila-duna askariga, ee waa in aan ka ordaa itaalkay. Geel duq baa loo tumaaye, inta khaladka la isku taageeraayo, in yari oo aan meela u soo marini, ay keli-good dhita-deedda cabayso, haw fadhiyini in ay maamul loo siman yahay la isku raaco. kan shimbir-cagta qabaa ee meesha fuqa ka taagayaa ( Waa raggii ma adigaa ka hadhaye), colaad beelo gaar ahi ay futadda ka gashay, sidaana aad ku garab taagan tihiin weli-ba, oo aad ugu hiilinay-saan gefka iyo kala sooca, miyaad kaga sugaysaan, in uu ku karaameeyo kii aad kula kacday arima-haaasi. Sidee baa musuq-maasaqa iyo kala dhaweysiga ummadda ay u dhici kartaa in aanu idinku raacno? Haday cid ay uur-ku-jirtiisa cuqdadi buuxisay jirto ama ay bugto waxa weeye, kuwa sidaas ku raacsan askarta. Akhristaw aan kuu sii raaciyo'e. hadduu yahay ka meesha ka doob-yayaa tuuga ugu weyn, ee hantiddii ummadu ay lahayd ku haysta xaaraanta, sidee buu u ilaalinayaa in kuwa la socdaa jooji-yaan boobka iyana. cadayntii waa tane hoo hadaad jeceshay iyo haddii kale-ba, cidi dhegaha kaaga duwi-mayso'e. Wuxu haystaa Beertii ciidamadda asluubta ee geed deeb leh, ee yaa u fasaxay, oo uu weliba ku waraabiyaa ceelashii biyaha ee shiinuhu ummadan ugu taba-rucaye, marka ay sidaas tahay, yaad ugu sheegay-saan waa daacad? Dhawr iyo tobadn bangalo buu ku leeyahay Hargaysa'e, xaguu ka keenay ma Aabihii baa uga dhintay?  Beeraha qoys-kiisu ka boobay dan yarta, iyo baloodhadda laga qaaday, miyaad dafirsan tihiin? Waar kala fadhiista hodho-dhoodda hoosta ka qalaalan ummadda. Waxa la yidhi " Doqoni xadhiga lagu xidhaayo xagla-heedda bay ku sida-taaye, kani isaga  baa isu dhamay-naaya, iyadda oon meel kale looga iman.

 

Murti baa ahayd " Geedkii ka magoola meel gebiyaba, malagu geela waa ku madhin jirey, ee wad-kayga dhun-kaal ma muusaday". oo mican-heedu yahay, la soo noqoshaddii Somaliland,ummadu waxay ka rajo qabtay in badhaadhi doonaan, laakiin-se waxay nqotay kud ka guur oo qanjo u guur. Wuxu yidhi Qaasim " Maan mahadin maantaan dhashay, ii mashxara-deen" wuxu u jeedaa ayaantii la i yidhi xornimaad la soo noqotay, waxba iima tarin, ee waan eednay qudhmiye, Intii saddexdii madax-weyne ee ka horeey Maamulka Kulmiye, waxa waliba way ka roonaayeen sidatan, beeluhu qabyaalad iyo cadaawadi may dhex oolin, imika-se waxay noqotay hooyooy go'a i huwi, aan laba qarsanayn oo bahashii banaanka ay iska taalo ( Waa qabyaala-diiye) Tallo hagaagsan haddii la doonaayo, oo aan ku salkays-nayn eex iyo anakaa kurisga ku fadhina, sidaanu rabnana ka yeelayna, waxaanu doonana ku kacayna, oo aad rabtaan, magaca baabi-iseen somaliland, kaas oo aad ka tir-tir-teen aduunka, oo xataa Itoobiya iyo UK oo aynu saaxiib ahayn, hadda ay dhabarka inoo soo jeediyeen, siyaasaddii debedda oo albaabadu u soo xidhmeen, tii gudha oo reer-ba dhan u dhaqaajiyey, gobolo dhan hadiyad uu askarigu u bixiyey sidda Badhan, sool sii socoto, Buuhoodle ay meesha ka baxday, oo imika ay isugu biyo shubatay Puntland, Awdal oo jabhado ka dilaaceen, waxa hadhsani waa maxay ee aad noo sheegay-saan? Waxan ku soo xidhay qoraalkan maah-maah-ddii ahayd " Rati xumi reer ma raro" Tani way burburtay, oo siddii beed jabay bay bashkax tidhi. Waxa keliya ee dib u soo noolayn karaa waa cadaalad, iyo iyadda oo runta ku dhaqanta, inta-se anaka baa kursiga xoog ku haysana ay joogto, jar-kaas dheer bay ka sii laalaadaysaa, ee karis xun iyana wax ku la'e, joojiya cabaadka, ama qabta askarigan dawakhsan, ee digtoonaw uun yaqaan, weligiina aan maamul soo marin, amar uun la siin jirey, indhaha baa faraha laga gelinayaa, oo wax lay isu reebaayaa ma jiraane.

  • N.B Qar Iska Xoor, Wuu Ku Xaglo Jabaa.
  • Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...