Haweeney Lagala Noqonayo Guri Ay Ku Iibsatay $20 Malyan Oo Doolar + Sababta

0
Friday February 07, 2020 - 07:13:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Lagala Noqonayo Guri Ay Ku Iibsatay $20 Malyan Oo Doolar + Sababta

    Haweney sharrixi weysay halka ay ka keentay lacag £16 malyan oo gini ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweney sharrixi weysay halka ay ka keentay lacag £16 malyan oo gini ah,
oo u dhiganta $20 malyan oo doolar, taasoo ay guri weyn uga iibsatay magaalada London, ayaa ku guul dareysatay racfaan ay ka qaadatay go'aan ay dowladda ugala noqotay gurigaas.


Maxkamadda Racfaanka ayaa ku gacan seyrtay isku daygii ay Zamira Hajiyeva ku dooneysay inay dowladda UK loollan ku galiso hantideeda lagala noqday, maadaama aysan waligeed sharraxaad ka bixinin halka ay dhaqaalahaas ka tabacday iyo sida ay ku heshay toona.


Mrs Hajiyeva ayaa laga rabay inay caddyeso sida ay ku heshay lacagtaas faraha badan ee ay ku iibsatay guriga casriga ah iyo garoon lagu ciyaaro golf-ka.


Waxay hadda wajaheysaa in si kama dambeys ah looga qaado dhammaan hantideeda, haddii ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku keeni weyso caddeyn muujineysa halka ay dakhliga ka hesho.


Mrs Hajiyeva seygeeda, oo ka shaqeynayay bangiga dowladda ayaa la xiray ka dib markii lagu helay falal musuqmaasuq ah oo uu ka sameeyay waddanka ay labadooduba asal ahaan kasoo jeedaan ee Azerbaijan.

Hase yeeshee lamaanahan ayaa si wadajir ah u beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.


Mrs Hajiyeva wax dacwad ah looguma soo oogin gudaha UK.

Garsooraha maxkamadda, Lord Burnett, oo ah madaxa caddaaladda, ayaa markii uu meesha ka saarayay racfaanka ay qaadatay Mrs Hajiyeva wuxuu sidoo kale mamnuucay inay haweeneydan kiiskeeda usii gudbiso maxkamadda ugu sarreysa dalka.


Waxaa kale oo uu amar ku siiyay inay bixiso dhammaan kharashkii dacwada uga baxay Laanta Qaran ee Dambiyada.


Xukunkan oo ay ku wehlinayeen labo garsoore oo kale ayuu ku sheegay in Mrs Hajiyeva si sharciga waafaqsan loo beegsaday labo sano ka hor, ka dib markii ay sharraxaad ka bixin weysay ilaha hantideeda.


Waxaa haweeneydan hadda laga sugayaa inay caddeymo ku filan la timaado, si ay ugu dooddo hantideeda.

Haddii ay keeni weyso waxyaabo qanciya kooxda baaritaanka ku wadda kiiskeeda, markaas waxaa dib loogu celin doonaa maxkamadda, si looga raadiyo xukun kale oo lagu amrayo in si kama dambeys ah loola wareego hantideeda.


Howshan ayaa qaadan kartay sannad kale, haddii ay Mrs Hajiyeva ku guuleysan lahayd racfaanka.


Maxaa xigi doona?

Mrs Hajiyeva waxay hadda heysataa muddo 7 maalmood ah oo ay ku keeni karto macluumaadka la xiriira asalka hantideeda. Haddii uu wakhtigaas ka dhammaado iyadoo aan tallaabo noocaas ah qaadin waxaa billaaban doonta howsha la wareegista.


Haddiise ay la imaato xog muujineysa sida ay dhaqaalaha ku heshay oo, oo sharciga waafaqsan, Laanta Qaran ee Dambiyada ayaa heysan doonta muddo 60 maalmood ah oo loogu talagalay inay ama ku aqbalaan sheegashadeeda ama kusii ambaqaadaan isku daygooda la wareegista hantida.


Laakiin haddii ay mas'uuliyiintu ogaadaan inay bixisay macluumaad been abuur ah ama marin habaabin ah, waxay haweeneydan wajihi doontaa maxkamadeyn, xabsi ayeyna muteysan kartaa.


Hase ahaatee qorshahan oo dhan wuu istaagi karaa haddii ay Mrs Hajiyeva u suurtagasho inay ka dacwooto maxkamadda ugu sarreysa UK.

 

BBC

 

Loading...
Loading...