Sagaashan Tahriibe Oo Ay Carruur Ku Jiraan Oo Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Ingiriiska.

Siddeed doomood oo kuwa yaryar ayaa soo gaaray biya xireenka Dover, mid ka mid ah doomahaasina ay sidday 21 tahriibayaal oo rag ah.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Ingiriiska waxay sheegtay dadkaasi muhaajiriinta ee la soo badbaadiyey inay u dhasheen waddamada Suuriya, Yemen iyo Maali.
Carruurta la soo badbaadiyey si ay daryeel u helaan waxaa loo gudbiyey xaruumaha adeegga bulshada ee carruurta lagu xannaaneeyo.
Lix doomood oo ka mid ah doomaha tahriibayaasha laga soo badbaadiyey waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada xadka iyaga oo tahriibayaasha qaarkoodna ay booliska ku qabteen bartamaha magaalada Dover halka shan qof oo kalana laga soo qabtay beerta Samhire Hoe.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikoobtarka loo yaqaanna iyo ciidamada badbaadada xeebaha ayaa ku howlan baadi goobka haddii ay jiraan tahriibayaal kale oo biyaha ku go'doonsan.
Tony
Eastaugh, oo ah agaasimaha ka hortagga dambiyada iyo howlgallada wuxuu sheegay
dowladdu iney ku howlan tahay 'sidi ay u xakameyn lahayd qaxootiga sharci
darrada ah meeshey doonaaba dalka ha ka soo galaana, laamaha ay doonaanna ha
soo maraane'.
Waxaa sida oo kale aad u kordhay ilaalada xeebaha Faransiiska oo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, doonyaha gaarka ee dheereeya iyo aalada kale' ayuu yiri.
Sanadki tagay oo keli ah dalka Britain waxaa doon ka soo galay dhanka biya xireenka 1,892 oo qof oo muhaajiriin ah.
Hay'adaha dowladda Faransiiskana waxay sheegeen 371 qof oo muhaajiriin ah oo sanadki hore isku dayay iney xadka tallaabaan 95 ka mid ah ay ku guuleysteen intooda kalana la qabtay.
BBC