Booliska Adisababa Oo Toogasho ku Dilay Dad Is-hortaagay Kaniisad la Duminayay.
Booliska Itoobiya ayaa Toogasho ku Dilay Dad Is-hotaagay Kaniisad laga Duminayay magalada Adis-ababa.
Ciidamada Amniga ee Ethiopia ayaa toogtay laba qof qaar kalena dhaawacay kadib markii ay booliska isku dhaceen dad ka mudaharaadayay dhisme Kaniisadeed maalintii shalay ahayd, waxana uu falkan ka dhaca gudaha caasimada Addis Ababa.
Masiixiyiintan gadoodsanaa ayaa booliska dhagax kala horyimid, kadib markii ay Masuuliyiintu damceen inay burburiyaan dhismaha Kaniisad ay sheegeen in si sharcidaro ah loo dhisay.
Falkan ayaa boolisku waxa uu kaga jawaabay Sunta dadka ka ilmaysiisa iyo Xabado nool-nool.
Ethiopia waxa sii kordhaya bilahan dambe xiisadaha salka ku haya diimaha kala duwan ee dadka Ethiopian-ka ah ay haystaan.
Source: BBC English
Loading...
Loading...