Culeys siyaasadeed Oo Ka Degay Madaxweyne Donald Trump

0
Thursday February 06, 2020 - 08:04:39 in News by
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culeys siyaasadeed Oo Ka Degay Madaxweyne Donald Trump

    Culeys siyaasadeed Oo Ka Degay Madaxweyne Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culeys siyaasadeed Oo Ka Degay Madaxweyne Donald Trump

Aqalka Kongreska oo ay ku badan yihiin siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ayaa mar hore u codeeyay xil ka qaadista madaxweyne Trump, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu sharciga jebiyay.


Haseyeeshee waxaa muuqata in taas aysan ku guuleysanin.



Sidee ayuu Trump uga falceliyay?


Madaxweyne Donald Trump oo markale doonayo in uu u tartamo doorashada xigta ee dhammaadka sanadka ka dhic doonta Mareykanka ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha loo jeediyay.


War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu madaxweynaha diiradda saari doonaa sidii uu hawlaha Qaranka uga shaqeyn lahaa.


"Wax matarayaasha Dimquraadiga wa ay ogyihiin in aysan iga adkaan karin," ayaa lagu yiri qoraalka.


Mitt Romney oo katirsan xisbiga madaxweyne Trump ayaa ahaa shakhsiga keliya ee ka codeeyay Trump, kuna waafaqay xisbiga dimuqraadiga.


Inkastoo xisbiga dimuqraadiga uu ku raja weynaa in siyaasiyiin badan oo dhinaca kale kasoo jeeda ay arrintaas ku waafaqi doonana, haddana taas ma aysan dhicin, oo waxaa intooda badan ay la safteen sidii loo badbaadin lahaa Trump iyo sumcadda xisbiga Jamhuuriga.


Qaar kamid ah xildhibanaada xisbiga Jamhuuriga ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay hab dhaqan aan wanaagsaneyn, balse waxaa ay shegeen in taas aysan gaarsiisaneyn heer xilka looga qaado.


In xilka laga qaado Trumpa ayaa waxaa loo baahnaa saddex meelood laba meel oo ka dhigan 67 xildhibaan, balse tirade ka codeysay waxaa ay gaarayeen 48 oo keliya.


Xisbiga Dimuqraadiga ayaa walaac ka muujiyay xilka ka qaadista Trump uu ka badbaaday, waxaana ay shegeen inay khatar ku tahay dowladnimada Mareykanka.

CBS NEWS

Trump oo ka badbaaday xil ka qaadis

Trump oo ka badbaaday xil ka qaadis

Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu wali khatar ku yahay dimuqraadiyadda Mareykanka, aqalka sarena ay arrintaas iska sahashadeen.


Senetar Lamar Alexander oo katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa codeynta kahor ka digay in haddii xilka laga qaado Trump ay arrintaa sii kala qeybin doonta shacabka Mareykanka, halka xildhibaan Mitch McConnell uu sheegay in dhammaan eedeymaha loo heysto madaxweyne Trump ay yihiin khaladaad siyaasadeed oo an waxba ka jirin.


Sidoo kale xildhibaan Lindsey Graham oo ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Trump ayaa ujeedada xil ka qaadista ku tilmaamay mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo madaxtinimada Mareykanka.


Haseyeeshee Mit Romney oo sanadkii 2012 xisbiga Jamhuuriga ugu tartamay xilka madaxwenenimo ayaa sheegay in Donald Trump uu ku xadgudbay kalsoonida shacabka, ammaanka Qaranka iyo qayimka Mareykanka.


Madaxweyne ayaa horay loogu eedeeyay in awoodda xafiiskiis auu u adeegsaday dano siyaasadeed, kadib markii lagu maraati furay in uu hakiyay gargaarka milateri ee uu Mareykanka siin jiray Ukraine.


Trump ayaa la sheegay in uu Dowladda Ukraine ka dalbaday inay baaritaan ku sameyso Joe Biden oo ay isku hayaan siyaasadda Mareykanka.



BBC
Loading...
Loading...