Xaqii Oofta Ka Dilaac Riyo-Raacaw ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday February 06, 2020 - 07:22:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xaqii Oofta Ka Dilaac Riyo-Raacaw ( Abdi-Shotaly).

    Allaw ma og-tahay, Rabbi Khaayin ma qariyo, qof-kuna in kaste oo uu ciiro iyo humaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaw ma og-tahay, Rabbi Khaayin ma qariyo, qof-kuna in kaste oo uu ciiro iyo humaag
is yidhaaho is dhex qaadsii yaan lagaa garane, isaga uun baa aakhirka is gawraca, iyadda oon meel kale looga imanin,hadh cad-na isi soo geliya dabin, wax uu dafiro-ba xaajoo-yinkii lagu haysto. isaga baa isku cadeeya markhaati ma doon, kaaga darane, marka lagu qabto, ee ay isaga af-kiisa ka soo baxdo, wuxuu kiiska iska waalo-ba, wixii uu lahaa ma aan ihi cayn-kaas ee waa lay hafrayaa, baa ruuxaas meel uu cuskado waayaa, kaad ogayd waa kii uun ( Riyo-Raac Waa riyo raac uun) aan wuxuu yahay jirin, weliba wuxubadheedh u sheegay cadaw-nimadda uu u hayo beelaha Garaxajis. Alle mahadi weeyaan, waxay arami hurudo-ba, hadba eelka hungunto-ba, aad yar soo kacdoon-taba, oy hoos ka shidan-taba, kartay uruga-diiyoo, xaqii oofta ka dilaac, eedayn bilaashiyo, waxaan meesha qabaniyo, kolba belo abuuriyo, ibtilooyin sheegiyo, ha xumaynin aminigiyo, askar-tani ku dhaqan-taba, Wixii uurka jiifee, afka laga ilaaliyey,imikay isku qaraxdoo. Riyo-raac iskeenyoo, isagays kashifayoo,sirtii wuu afuufiyo, heshiiskii u galay iyo, qarin-waa amuurtii, uu faray askari-guye, maantana maxay odhan, kuwii daba ordaayoo, dhex-dhexaad ayaan nahay, ilahaa ayaamahan, allay-lehe qod baa dhacay,


Horaa loo yidhi " Waxa uurka ku jiraa afku kaa xadaye" Hal xidhaalihii ay caruurtu ciyaari jirtay, ee loo yaqaano " Googaa-Cadalee" baa waxa ay is weydiin jireen " Awr madoobi abaar qooq" Waxan uga jeedaa, adigu ma si keentay waxaad dafirto-ba? Somalidu waxay ku maah-maah-daa " Nin illahay ka dambeeyo kabtii ma yeela" Maantana maxaa ku andacoon? Ma cid kalaa wax kaa sheegtay? Saw sidda hungaacadda adigu umaad soo dayn wixii aad qarsanaysay? Yaa kaa yeedhsiiyey? Ee aad eersanaysaa? Waxaad kaga hadashay telefoonka? Yaad ku eedayn doontaa? Waxaan isla wadda og-nahay baad laahyd, anigu kaas ma aan ihiye( saw hadda maad noqon tukihii cadaa? Waa lagaa shisheeyaa, oo lagaa dambeyaa Adhi jir-yhaw baasi, waxaad ku tashatay dadka ka ded waxad tahay.oo ka galgalo yaan laga agarane, oo dhulka isu dhig, hadday idiin socon wayday adiga iyo kud-maadw iyo labadda askariye, ee ma idin soo ridatay runtii, iyadda oo ooda-heedda wadata.Wixii lagaa sheegaayey adigu ma isku qirtay? Sidaas baad ku lahayd, waxan ahay dhex-dhexaad, oo aad kitaab gacanta saartay ( subxaana-laahuye) Dhaar been ah ku maratay. ee yaa wax kuu diranaaya ama kaa dhegaysa-naaya? Waxa kaas ka sii daran, kuwii munaafaqadda kugu taageeraayey, oo iyana maanta kashifmay ( Waa labadda gole ku sheege). Oday-ggii kuu adeerka haa ( Waa ka magaca gaalka lehe), Isna waali buu ku dhawyey, kolkii uu dhegaystay telefoonka laga duubay. labaddii askari iyana dhiiga baa ku karay, waxana xaal-koodu noqday, sakaaraddii la yidhi " Xaar la arkaayo bay aasaastaa" Waxa-se is waydiin leh sidda ay ka yeeli doonaan, Waxa aad la nac-nac-laysay, ee uunku wadda yaabay. saw kama dhignid "Nin ambaday halkuu maray way ula ekonaatay", Riyo-Raacii wuu isi soo deldelay.

Mar kale baa waxay ahayd murti somaliyeed " Ma hungawdo daacadiye"  Ummadan illaahay wuu arkaa in ay duul aan diin iyo iimaan lahayni ay rogayaan, Ilayn waa kuwaas beenta iyo colaadda ku dhaara-naaya, iyadda oo lala socodo afcaashoodda dul iyo hoos-ba, oo aanay jirin wax la odhan karo waa sax, oo ay wadaan haba-yarataee. Bal inuu daciif yahay Riyo-Raac, inan yar baa telefoon hoos dhigay ( weliba aanu aqoon u lahayn), markaas buu naxliggii iyo xumanatii uu reerka Garxajis u qabay, iska sii daayey siddii daad dooxa ku soo rogmaday, xataa isma uu odhan wax la hadh. ee wuxu noqday hortaa banaan. Waxa ku kelifay-na waxa weeye, maah-maah-ddii ahayd " Dameero isku halayn bay hooya-dood dabadda uga nuugaane. Wuxu og-yahay in la isu badheedhay, oo uu rajo ka qabo wax kaste oo uu yidhaaho ama kashifo, in ay ku raaca-yaan askartu, ilayn dan-toodda buu wadaaye. Waxan ku soo xidhay. murtiddii ahayd " riyo haday dib leeyihiin daba-doodda bay ku asturi lahaayeen ama ku qarsan lahaayeen" Riya-Raacaw Hore-na waa laguu ogaa waxad tahay, adna waa adiga shaaca qaaday, ee si cad u sharaxay mililka caloosha ku dhaamiyey, laakiin-se ku biyo cab haddii ay dunidu rogma-nayso iyo hadii kale-ba in aanad Komishan aad ku jirtaa, ummadan u gar qaadayn, ilahay-na kaa dhaafi maayo, ee orod cadayskii riyihii aad raaci jirtay doono, halkan qiil kaaga banaani ma jiro'e.
* N.B Nin Ambaday Halkuu Maray Way Ula Ekoonayde!
AQore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...