Dal Aabayaasha Fasax Dheer Siinaya Si Ay Ilmahooda Ula Joogaan

0
Thursday February 06, 2020 - 07:14:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Aabayaasha Fasax Dheer Siinaya Si Ay Ilmahooda Ula Joogaan

    Dowladda cusub ee Finland ayaa shaacisay qorshe aabayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda cusub ee Finland ayaa shaacisay qorshe aabayaasha
ilmaha u dhashaan farax lagu siinayo si ay waqti ula qaataan carruurtooda.


Aabaha uu canug u dhasho ayaa waxa uu hadda xaq u yeelanayaa 164 oo fasax ah, taasoo ka dhigan ku dhawaad san bilood iyo bar.



Dowladda ayaa sheegtay in qorshaha cusub ay uga dan leedahay in aabayaasha ay helaan fasax la eg hooyooyinka umulay si "loo hormariyo wanaagga qoysaska iyo siinaanta ragga iyo dumarka".


Wasiirka caafimaadka iyo arimaha bulshada Aino-Kaisa Pekonen ayaa sheegtay inay isbedal ballaaran ku samaynayaan noolasha qoysaska si loo wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya waalidiinta.


Hannaanka hadda ka jira Finland ayaa hooyada umusha siinaya fasax ah 4.2 bilood, halka aabahana uu leeyahay 2.2 bilood oo fasax ah. Waxaa intaa dheer in labada waalid ay qeybsan karaan lix bilood oo fasaxa dhalmada ah.


Haseyeeshee boqolkii 25 oo keliya ragga ilmaha loo dhalo ayaa qaata fasaxaasi ay xaqa uu leeyihiin.


Dowladda ayaa sheegay in qorshahan cusub ay ku bixi doonto lacag dhan 110 milyan oo dollar oo dheeraad ah.

Tan iyo bishii December ayaa waxaa Finland xukumayay isbahaysi ka kooban 5 xisbi oo dhammaantood ay hogaaminayaan dumar.


BBC

Loading...
Loading...