Aqalka Senate-ka Oo Go'aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xil Ka Qadista Trump

0
Thursday February 06, 2020 - 07:01:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Senate-ka Oo Go'aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xil Ka Qadista Trump

    Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga
ayaa maanta cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.



Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.


Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana maanta oo Arbaco ah ay cod u qaadeen labada qodob.


52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.


53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.


​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii "HAA" ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.


Go'aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

 

VOA

Loading...
Loading...