Diyaarad Saddex Qeybood U Kala Go'day Xilli Ay Ka Soo Caga-Dhiganaysay Stanbul

Saraakiisha dalkaasi ayaa waxay sheegeen in dhacdadaasi uu hal qof ku dhintay islamarkana ay ku dhaawacmeen 139 qof.
Diyaaradan laga lahaa shirkadda diyaaradaha ee Pegasus ayaa sidday 171 rakaab ah iyo 6 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.
Waxay ka soo kicitintay diyaaradan gobolka Izmir ee ku yaalla galbeedka dalka Turkiga.
Wasiirka gaadiidka Turkiga Mehmet Cahit Turhan ayaa sheegay in diyaaradan Boeing 737 ay xawaaraheeda yareyn waysay ka dib markii ay soo caga dhigatay.
Garoonka uu shilkan ka dhacay ayaa la xiray islamarkana waxaa duulimaadyadii iman lahaa loo leexiyay garooma kale.
Warbaahinta Turkiga ayaa ku waramaysa in diyaaradan markii ay soo caga dhiganaysay uu jiray roob xooggan iyo dabeylo.
Waxay sidoo kale warbaahinta intaa ku dareen in rakaabka saarnaa diyaaradan ay intooda badan ahaayeen muwaadiniin Turkish ah iyo 20 qof oo ajnabi ah.
Barasaabka magaalada Istanbul Cali Yerlikaya ayaa yiri: "Nasiib daro, shirkadda diyaaradaha ee Pegasus ayaa waxay ku taraaraxday dhabaha ay diyaaradaha ka soo xaga dhigtaan taasi oo ay ugu wacneyd hawada oo xumayd."
BBC