Wasiir Faratoon Oo Madaxweyne Farmaajo Uga Digay Arimo Somaliland Ku Saabsan

0
Sunday March 31, 2019 - 15:08:20 in News by
  • Visits: 3032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Madaxweyne Farmaajo Uga Digay Arimo Somaliland Ku Saabsan

    Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Madaxweyne Farmaajo


Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ka digtoonadu kana fiirsado hadalada ka dhanka ah Somaliland, ee ka soo yeedhaya.




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramayWargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi "Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, halka Farmaajo cid gaar ahi doortay, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya”.

 

Loading...
Loading...