Cabdirashiid Riyo-raac oo sheegay Inaanu Iska Casilayn Komishanka Doorashooyinka
Cabdirashiid Riyo-raac oo sheegay Inaanu Iska Casilayn Komishanka Doorashooyinka

Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee Komishanka doorashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac oo galabta safar shaqo oo uu ku tagay dalka South Africa ka soo laabtay, ayaa sheegay inaanu iska Casilayn xilkaas.
Cabdirashiid Riyo-raac waxa uu sheegay in loo dhaariyay Xilka guddiga doorashooyinka, isla markaanna waxa uu meesha ka saarray warar maalmihii u danbeeyay la hadal hayay inay iscasillayaan Shanta Xubnood ee ku hadhay guddiga doorashooyinka Somaliland, kadib markii Xubintii Xisbiga UCID kaga jirey Guddiga doorashooyinka uu 3-dii bishan ku dhawaaqay innuu iska casilay Xubinnimaddii Komishanka doorashooyinka qaranka.
"Lacag ciddi isku casili mayso, xil qaran baannu haynaa, xilka qaranka iyo lacagtu way kala miisaan wayn yihiin. Maanta Komishan-baan ahay, Xilkaas baa la ii dhaariyay, markaa isma Casillaayo, ummana socdo inaan is casilo" Ayuu yidhi Riyo-raac
Sidoo kale, Cabdirashiid Riyo-raac waxa uu beenniyay cod lagu baahiyay baraha bulshadda, waxaannu yidhi "Warkaas waxba kama jiraan, waanna la sameeyaa oo Komishanno hore ayaa laga sameeyay, Wasiirro ayaa laga sameeyay, markaa Codkaasi ma jiro. Anigu siyaasaddii waan ka baxay oo dhexdhexaad baan ahay, manna joogo meel aan beello ka maago ama aan siddaa u hadlo" Ayuu yidhi Mr Riyo-raac
"Annagu Komishan-baannu nahay, Xil qaran baa naloo dhaariyay oo shaqo ayaannu diyaar u nahay. Xubintaas is casishay-na waan ka xumahay, iskumannaanu ogayn, isagoo shaqaynaaya oo Xafiiska jooga ayaan ka tagay, waxa dhacay-nna garan maayo. Komishanku shaqo dibadda ah iyo mid gudaha ah ba wuu leeyahay, markaa Safar baan ku maqnaa, wax badan baanna noo soo qabsoomay, markaa waxa ugu horreeya oo aannu bisha saddexaad u baxaynaa Tababarkii" sidaa ayuu yidhi Mr Riyo-raac
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...