Gudida Dabagalka Iyo Hantida Qaranka Soomaliland Oo Kormeer Ku Tagay Dawlada Hoose Ee Berbera Iyo Dekada+Sawiro
Gudida Dabagalka Iyo Hantida Qaranka Soomaliland Oo Kormeer Ku Tagay Dawlada Hoose Ee Berbera Iyo Dekada+Sawiro
Hargaysa(HWN):-Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qarankaee Golaha Wakiilada JSL oo muddooyinkii ugu dambeeyey marayey Gobolada Dalka ayaamaanta soo gebagebeeyey kormeerkoodii gobolka Saaxil. Guddiga oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Bede, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed Bulqaas iyo Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud ayaa muddo saddex maalmood ah ku sugnaa caasimada gobolka Saaxil, Berbera. Muddadii ay joogeen guddigani waxay booqdeen, su’aalo iyo waraysiyona la yeesheen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda dhexe iyo, Dawladda Hoose, Dekedda iyo Mashruuca ballaadhinta Dekedda ee DP World.
Goobaha ay u kuurgaleen wefdigu waxaa ka mid ahaaWasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sida aanu ka soo xiganay ilo ku dhowdhow wefdigan, waxaa Wasaaraddan ku qaabilay Isuduwaha Wasaaradda X. X & Kalluumaysiga, Mudane Dr. Axmed Xaaji Cabdilaahi Ismaaciil, Isuduwaha ayaa wefdiga, markii hore, ku qaabilay Xafiiska Kallunka ee ku yaalla Xeebta Berbera, markii dambena ku soo wareejiyey qaybaha kala duwan ee ay kaga hawl gasho wasaaraddu dhanka kalluumaysiga. Wefdiga oo ay weheliyaan Isuduwaha iyo hawladeenada wasaaradda ayaa soo booqdaydekedda yar [Jet-ka kalluunka]ee loogu talo galay doonyaha kalluumaysatada ee ay hadda socoto dhismaheedu. Dekeddan cusub oo xagga qaadka ka weyn tii hore ee kalluumaysatadu ku soo xidhan jirtey ka weyn ugu yaraan 25% ayaa dhammaan kharashka ku baxaya waxaa si buuxda u bixinaysa xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale, wefdigu waxay xilli hawsha kalluumaysatadu xawli ku socoto is dul taageendekeddii hore ee kalluumaysatadaiyagoohubinayey qaabka adeegga Wasaaraddu uga socdo halkaasi. Waxay kale oo booqdeen, warbixnna laga siiyey Kawaanka Kalluunka ee ay dhistayFIRE FISHkaasoo ay maalgelintiisa samaysay hay’adda USAID. Kawaankan oo ay markii hore hay’ad aan dawlo ahayni gacanta ku haysey ayaa hadda, bishii December 2019, waxaa toos ula wareegtey Wasaaradda X. X. & Kalluumaysiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
DhankaDawladda Hooseee Degmada Berbera, Guddiga waxaa hawlaha degaanka warbixin ka siiyey Maayarka Berbera,Mudane Ciddin, iyo Xoghayaha Degmada Mudane Cabdixakiimoo uga xog waramay, qoraalna ku siiyey,59 mashruucoo ay ka fuliyeen degmada Berbera sannadihii 2018 iyo 2019. Mashaariicda maamulka degmada Berbera ka warbixiyey ayaa isugu jira dhisme iyo dayactir Dugsiyo, Rugo caafimaad, Biyaha, Jidad, Saldhigyo Boolis, xarun kayd (Store) iyo hooso, goaded xashiish, gaadiid kale iyo xaafado cusub. Maayarka ayaa Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka [GD&IHQ] dul istaajiyey soona tusay qaybo ka mid ah mashaariicdaasi oo ay Guddigu isla goobahaasi ku waraysteen dadka ka hawl gala.
Sidoo kale, GD&IHQ waxay maalmahoodii labaad iyo saddexaad hubin ku soo mareenHaamaha Kaydka Shidaalka,Hay’adda Dekedaha Somaliland [Somaliland Port Authority] iyo mashruuca ballaadhinta Dekedda ee ay wadda shirkadda DP World.
Muddadii ay joogeen Haamaha Kaydka Shidaalka waxay warbixin ka dhegeysteenMaamule Ku Xigeenka Haamaha Kaydka, mudane Carfaan Xasan Cabdoo, iyoAgaasimayaasha waaxyaha Farsamada [Engineering], Hawlgelinta [Operations], Xisaabaadka iyo Maamulka [Admin & Finance], Shaqaalaha [Personnel] iyo Nabadgelyada [Security] oo dhammaan goobjoog ka ahaa iswaraysigaasi. Saraakiishani waxay Guddiga uga xaal warameen xaaladaha farsamo, dhaqaale, shaqaale, suuq, iyo nabadgelyo ee ay ku suganyihiin Haamaha Kaydka Shidaalka iyo maamulkoodu. Guddigu waxay kormeer ku tageenShaybaadhka Shidaalka [Laboratory]ee ku dhex yaala degaanka Haamaha iyagoo warbixin ka dhegeystey, su’aalona weydiiyey, khubarada ka hawlgala shaybaadhka.
Ugu dambayntii, Guddigu waxay booqasho maalin qaadatay ku mareenHay’adda Dekedaha Somalilandiyo mashruuca ballaadhintaDekedda ee ay gacanta ku hayso shirkaddaDP World. Halkaasi waxaa xafiiska Hay’adda SPA ku soo dhoweeyey Maareeye Ku Xigeenka Dekedaha Somaliland, mudane Cabdi Cabdilaahi Xasan iyo saraakiisha sarsare ee hay’adda, waxayna uga xogwarameen xaaladda Dekedaha Somaliland. Shir muddo dheer qaatay, waxay xildhibaanada su’aalo ku weydiiyeen hawlwadeenada warbixinta siiyey. Guddigu waxay booqdeen warbixinna laga siiyey Maraakiibta Taagagga ah ee dekedda iyagoo si gaar ah ugu kuur galay taagga cusub, su’aalona ka weydiiyey madaxda dekedda oo kormeerka ku wehelineysey.
Kadib waraysiga masuuliyiinta hay’adda SRA, waxay GD&IHQ u soo gudbeen dhanka shirkadda DP World iyagoo soo kormeeray mashruuca deked-ballaadhinta oo hadda si xawli ah ku socda. Waxaa halkaasi guddiga warbixin ku siiyeyMr. Anil iyo Mr. Hennie Du Toitoo labaduba ka tirsan hawlwadeenada shirkadaha ku foogan dhismaha ballaadhinta dekeddaShafa Construction iyo CGR Group.
Gebagebadii waxay Guddigu shalay u boqooleen dhanka degmada Burco oo ay maanta ka bilaabi doonaan dabagalka hanrita qaranka.
Mar aanu wax ka weydiiney booqashadooda soo gebagebowdey ee Degmada Berbera ayaa Gudoomiyaha Guddigu, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle], wuxuu saxaafadda u sheegay "marka hore Goleweynaha Wakiilada ayaanu la wadaagi doonaa natiijada wixii aanu la kulanay. Kadibna saxaafadda ayaanu dadweynaha u marin doonaa warbixinta aanu soo ururinay, waase markaa aanu war gelino golaha”
Loading...
Loading...