Xukuumada Kornayl Muuse Biixi Iyo Suxufiyiinta Madaxa Banaan Iyamaa Lacag Ka Qaata Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya?...Warbixin
Hargeysa(HWN):-Xukuumada uu hogaamiyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi ee gacanta ku haysa talada somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay hayso magacyada suxufiyiin iyo hay’addo warbaahineed oo mushahar ka qaata dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Dhawaaqan oo ka soo yeedhay Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ah masuulka ugu awooda badan xukuumada kornayl Muuse Biixi ayaa dareeno taban ku dhaliyey suxufiyiinta madaxa banaan ee ka hawl gala somaliland iyo shacabkaba.
Ujeedada ugu weyn ee ay xukuumadu dhawaaqan ka lahayd ayaa laga dareemayeycabsi gelin iyo cabudhin ay qorshaynayso inay la beegsato hay’addaha madaxa banaan ee warbaahinta somaliland kuwaas oo ilaa hada feejignaan kaga jira ficilada ay dawladu maagan tahay inay qaado.
Sidoo kale xukuumada ayaa doonaysa in iyada oo marmarsiiyo ka dhiganaysa dhawaaqii ka soo yeedhay ay xabsiyada dalka ku hubsato suxufiyiin madax banaan isla markaana ay albaabada iskugu dhufato hay’addaha ay ka hawl galaan iyada oo u daliishanaysa inay ku xidhiidhsan yihiin dawlada soomaaliya oo mushahar ka qaataan.
Eedaymaha xukuumadu dul dhigtay suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta madaxa banaan ayaa gabi ahaanba ah kuwo ka fog xaqiiqada balse ay dawladu doonayso inay ku fushato oo ay ku banaysato talaabo ay xabsiyada ku dhigayso suxufiyiin madax banan isla markaana ay albaabada ugu laabayso hay’addo warbaahineed oo tiro badan kuwaas oo bulshada u soo bandhiga dhaliilaha isbiirsaday ee dul hoganaya.
Dhinaca kale qaar ka mid ah suxufiyiinta somaliland oo u shaqeeya hay’addo warbaahineed oo laga leeyahay dalka soomaaliya balse xafiisyo ogolaansho ka haysta xukuumada ku leh somaliland ayaan wax xidhiidh ah la lahayn dawlada somaliya isla markaana aanay ilaa hada jirin mushaharaad ay uga xaadiraan, balse taas badalkeeda waxa jira wada shaqayn iyo xidhiidh xoogan oo ka dhaxeeya dawlada Muuse Biixi iyo dawlada Muqdisho ee Soomaaliya.
Sidoo kale dawlada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale oo kala duwan soo gaadhsiiya somaliland taas oo ay ugu dambaysay lacagta midawga Yurub ugu tala galay in lagu horumariyo magaalada Berbera oo gaadhaysa 7.5$ taas oo ay saxeexday dawlada Muqdisho isla markaana qayb ka ah mashruuca Eng Yariisow.
Dhinaca kale waxa jira wakiil lagu magacaabo Cabdirisaaq oo ka socda xukuumada somaliland kaas oo fadhigiisu yahay wasaarada arimaha gudaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya isla markaana shaqadiisa ugu weyni tahay inuu dawlada Muuse Biixi ee somaliland u saxeexo mashaariicda dhaqaale ee dawlada federaalka ahi soo gaadhsiinayso.
Marka laysku soo duubo, waxa hubaal ah inaanay jirin suxufiyiin reer somaliland oo ka hawl gala magaalada Hargeysa oo mushahar ka qaata dawlada soomaaliya balse waxa sida dharaarta u cad in xukuumada Muuse Biixi ay ka hesho dhaqaale lagu fuliyo mashaariic kala duwan kuwaas oo ay dawlada Muqdisho si toos ah u soo gaadhsiiso xukuumada Hargeysa.