Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Safiirka Ruushka?
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa halkaasi uu kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. MikhailGolovanov.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Arrimo la xiriira deynta Cafinta Soomaaliya oo Dowladda Federaalka ay dadaal wyen ugu jirto sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
"Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. MikhailGolovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya ayuu yiriā€¯Wasiir Beyle
Dowladda Ruushka ayaa ah dalka 2aad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya,waxaana Wasiirka iyo Safiirka ay kulankooda diirada ku saareen sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Jabuuti waxaa uu uga qyeb-galay Shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika,waxana la filayaa in uu la kulmo Madax kale oo Shirkaasi ka qeyb gashay