Wasiir Warfaa Oo Sweden U Gudbiyay Fariin Oo Ka Siday Dowladda Somalia
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa oo ku sugan Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Stefan Lofven.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Sadiiq Warfaa iyo Ra’iisul wasaaraha Sweden Stefan Lofven ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Somalia iyo Sweden.
Sidoo kale Wasiir Warfaa ayaa Stefan Lofven u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada, iyadoo wadajir loo shaqeynayo, wuxuuna dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska uga qeyb galay Shir weynaha mustaqbalka shaqada oo shalay ka furmay Magaalada Paris