Qof Fool Xun Fool Dhaq Wax Uma Taro ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday February 05, 2020 - 07:47:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qof Fool Xun Fool Dhaq Wax Uma Taro ( Abdi-Shotaly).

    Fool xumadu maaha oo qudha,qofka qaab dhis-kiisa jidh ahaaneed oo la sualuugo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fool xumadu maaha oo qudha,qofka qaab dhis-kiisa jidh ahaaneed oo la sualuugo,
qurux-duna maaha sawirka nooca aad jeceshay in uu yeesho qofku ama sidda uu u eg-yihiin xubnaha ruuxu. Runtu-se waxay tahay, quruxda iyo fool xumidda la sheegaa sidaas maaha, ee hoose ka akhri. Waa wax sahalan oo aan sidaas u sii weynayn.Fool-xumidda ugu darani waa ta dabeecadda. Waxa laga yaabaa in uu sidda kaloo dhan uu ruuxaasi u yahay daadax, laakiin-se " Fool Xumiddda bani'aadamku" intaas way ka sal balaadhan tahay kana badan tahay. Waxa jira qaar iska caadiya marka aad eegto arag ahaan, oo dad-kiisa iska dhex nool, ha yeeshee leh kumanaan fool xumo oo qayral caadi ah, kuwaas oo saameeya qaabkuu u dhaqmo ee u nool yahay ama ay afcaashiisu tahay, oo aan la qiyaasi karin wax-yaalaha uu ku kici karo, isku halayn iyo dhinac aad u raacdo mid-na aan lahayn, dhan kaste oo looga fiirsada-ba laga inaab-saday, oo bani'aadamaka arkaa ama maqlaa falal-kiisa, uu waalli maryaha dhiganaayo u qaadan waa awgeed, aan kuu galo'e, "Fool-xumidda " ugu xun ee qof yeeshaa wxay ku xdihan tahay "Dabeecadda iyo Akhlaaq-dda" uu leeyahay, Haday tahay anshax xumaan, edeb daro, qawl la'aan aan la aamini karin, weliggii aan wax wacan loo tirinayn oo uu sameeyey, qas, dhibaato iyo balayao mooyaane, rebshed abuur, qub iyo qac joogto ah, aflagaado, cay, laba wejii-lanimo, dira-diraale, cuqdad, munaafaqad, been aan xad lahayn, tuuganimo, dhac aanu qof-kaasi maal rasuul bixinayn, diin darro, wacad aanu weliggii oofinayn, oo uu hadana mar walba qaadaayo, misna ka baxaayo, qaar aan aqoon maqlina waxa la yidhaaho dul-qaadka, kuwo ay ka maqan tahay mansuuliyadi, kana muuqato xilkasnimo la'aani. Akhristaw lama soo koobi karo fool xumooyinka kala duwan ee uu dadku leeyahay, 

 

Malaha waxad ku yara wareer-teen inta kor ku taale,Waxan-se u soo qaatay, in aan idiin soo hor dhigo, dhamaan arima-haas fool-xumooyinka ah, ee aan sare ku soo tilaamay in ay toos u khuseeyaan, mid been ahina aanu ku jirin, si cad looga arko afcaasha Askarta ku nool Guriga la yidhaaho " Xaafad-tooyadda" kuna hor kaaja Maamul Goboleedka Hargeysa, Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka uu farta ugu yeedhaa, siddii ilmo saddex jir ah oo uu dhalay ( Waa Geenyo shaaximane). Waxa iskaga murugsan oo ay u haystaan fool-xumidu in ay tahay midabka iyo qaabka uu u samasayn yahay, waxa-se fol-xumo ah oo iskaga khaldan, Beenta iyo Munaafaqadda, Maamulka tuuga-nimo loo dhistay, Siyaasadda iyo Khiyaamadda, Wuxu is leeyahay dabin-ka-bood noqo, lakiin-se waxay tahay sheekaddii ahayd "Xamiido nina way rabtaa haab-keedna ma hayso" Siddii sakaaraddii la yidhi " Xaar la arkaayo bay aasaastaa" buu wax illaahay toosh-kiisii ku ifiyey ( Waa qoraxda'e) uu is leeyahay maskax xumidiisa waad qarin kartaa ( Ilayn waa garasho askariye), oo soo baxay wax ay wadda arkayaan, makhluuqa Eebbe Somaliland ku abuuray, mid debed jooga iyo ku gudaha jooga-ba " Oo macsharal Jini wal Insi ay wadda daawanayaan" fekred-na kama haysto haba-yaraatee maamul, halka ay diinta islaamku ka taagan tahay wacad darradda, weliba sidaas buu Xaramka hantiddii ummadda uu ku tegay inta uu xaday (ee ma laga aqablayaa), inagu leeyey xaaji baan ahay "  Indho adkaa ma bacaadaa?" La yaabse ma laha, oo markiisa hore-ba wuxu xukunka u boobay ka xoolo dhaqo, maadaama uu mabda'iisu sidaas yahay-na, wuxu ka dhigan yahay ninkii yidhi " Aakhiro dan-teeda'e, ifka sidaad doonto u soco" Taasina waa ta dalkii iyo dadkii halkaa dhigtay, ee gacmo madhan aynu ka taaganahay.

 

Yuu ila taraarin muwaadin qoraal-kuye, Waxan ku soo xidhay, Siddii hore loogu maah-maahay ee loo yidhi "Qof fool xun, fool dhaq wax uma taro" baa askari-guna uu yahay kii la yidhi " Waa halkaad ku ogayd oo hoori waa iska hoori" kani qalbi camo buu qabaa, oo wax kaste oo lagu akhriyo mid wax ku qaada-naaya hawga fadhiyina, waxa imika xaalku marayaa meel aad u daran. aad bay u badan yihiin murtidda arima-haas inoo tibaaxayaa, oo waxa ka mid ah " Qof kala dhimani kuuma dhaansho dhiil" "Ruux aad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaa" Nin qoyani biyo iskama dhawro" " Nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso iyo qaar kaloo kaba sii daran sidda murtidda ah " Fool-xumadu maaha qaabka aad u eg-tahay, ee waa qaabka aad u dhaqanto" Hadaba qof maraan ah, oo sidii-saba aan wax loo diran jiran, leh kuna soo urureen, sifaha fool-xumooyinka aan soo fasiray, waa "Raggii ma adigaa ka hadhay" Sidaas oo ay tahay mid wax ka dhaadhaca-yaan ama wax garan kara maaha, oo waxa haysta Maah-maah-ddii ahayd " Waano dhalan baa ka adag" Isaga oo aqoon iyo garasho ay ka bes tahay, bay weliba u sii dheer tahay, waali ku tidhi wax baad tahay. Waxan la yaabaa, kuwo ka sii daran oo aan weli baran in aanu shakhsi dhan ahayn, Waa kuwa ku meeraysa-naaya, ee kolba leh heshiis buu nala galay iyo cid baa nagu dhex jirta, kolba balan loo qaadaayo ah " Ila meerayso" Kuwaasi goorma bay baranayaan? Sidee bay kuwa wax ka sugayaa u aaminsan yihiin? Ma waxay rajo ka qabaan, In ay wax ka go'aan ruux aan is raacsa-nayn oo kala dhiman? Qaar qanca miyaanay ahayn? Intee bay u soo joogeen balan loo qaaday? Misna lagaga baxay? Miyaanu kii uun ahayn askarigu? Ma cid kale bay la hadlayaan? Miyaa loo soo bedelay? Saw maaha kii kunka jeer ka dabaka waydaartay? Ee ay ku hungoobeen. Waxa kale ee ay ka filayaan waa maxay?  Ma maskaxddii aad ku ogaydeen baa inta laga saaray, mid caadiya la geliyey? Haka jawaabeen kuwa leh wax buu hagaajinayaa.

 

* N.B " Fool-Xumo Maaha Qaabka Aad U Eg-tahay, Ee Waa Qaabka aad u Dhaqanto!

Qore:- Abdi-Shotaly. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...