Guddoomiye Baqdaaddi (Khaa'in Dhukur), Oo Dafirray Sicir-bararka Ummadda Ragaaddiyay

0
Wednesday February 05, 2020 - 00:32:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Baqdaaddi (Khaa'in Dhukur), Oo Dafirray Sicir-bararka Ummadda Ragaaddiyay

    Guddoomiye Baqdaaddi (Khaa'in Dhukur), Oo Dafirray Sicir-bararka Ummadda Ragaaddiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Baqdaaddi (Khaa'in Dhukur), Oo Dafirray Sicir-bararka Ummadda Ragaaddiyay

Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Baqdaaddi ayaa kulan la qaatay Guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda, kuwaasoo oo wax ka waydiiyay hannaanka Shaqo ee Baanka dhexe, tabashooyinka bulshadda ka soo yeedhaaya, dacwaddo kaga furan Boorama iyo Berbera, awood sheegasho uu kula kacay Saxaafadda madaxa-bannaan iyo Xubno ka mida Shaqaalaha Baanka dhexe.
Image result for cali baqdaaddi


Sidoo kale, Guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland waxay ka xog-waraysteen dhibaatadda Sicir-bararka ee ragaaddiyay bulshadda dan-yarta ee reer Somaliland, waxaannay si guud su'aalo uga waydiiyeen xaaladda Shillinka Somaliland oo qiimo dhacay iyo waxyaabaha uu qabtay intii uu joogay Xafiiska Baanka dhexe laga hoggaamiyo.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Baqdaaddi oo ku magac dheer (Khaa'in Dhukur), waxa uu galay difaac iyo innuu ka been sheego Xaaladda shacabka Somaliland, Xaaladda shillinka Somaliland iyo qiimo dhaciisa, waxa uu sheegay wax ka duwan waxyaabihii uu ku hawlannaa iyo marin habaabin uu ku sameeyay Guddiga joogtadda ah ee Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Jaamac Ibraahim (Khaa'in Dhukur), waxa uu sheegay in hoos u dhac wayni ku yimid Sicir-bararkii maceeshadda ee bulshaddu ka cabanaysay inay hoos u dhiggeen oo hadda uu maraayo 4.5%, waxaannu tilmaamay inay qiimayntaas ku ogaaddeen Daraasad ay ku sameeyeen heerka Sicir-bararku uu marraayo, hase yeeshee hadalkaasi maaha mid ka turjumaaya duruufaha nololeed iyo qaaliyowga maceeshadda ee ay la ildaran yihiin ummadda dan-yarta ah ee Somaliland, balse waa indho adayga Guddoomiye Dhukur, waxaase muuqata inaanu qarin karin ceebaha dul hogannaaya Baanka dhexe Somaliland, isla markaanna aannu dabool saarri karin Sicir-bararka maceeshadda ee meeshii u sarraysay gaadhay Somaliland.

"Qiimaha dollarka oo qiimihiisu hoos u dhacay iyo maceeshada oo dadka qaar ay yidhaahdeen ma wada-socdaan, su’aashaas waanu ka jawaabnay, waxaananu siinay daraasadd aanu samaynay oo baanka dhexe sameeyey August 2019-kii oo muujinaysa inay wada-socdaan maceeshada iyo qiimaha dollarka ee hoos u dhacay, taas oo qoraal ah ayaanu siinay." Ayuu yidhi Guddoomiye Khaa'in Dhukur.

Guddoomiye Khaa'in Dhukur waxa uu ka gaabsadday innuu ka hadlo oo guddiga joogtadda ah ee Guurtidda uga xog-waramo Dacwaddaha kaga furan magaallooyinka Berbera iyo Boorama oo mudaneyaasha golaha deegaanku sheegeen inay Maxkamadda gayn doonnaan dacwad ka dhan ah Guddoomiye Khaa'in Dhukur oo ay ku eeddaynayaan Musuq-maasuq iyo innuu bixiyay Mashaariic sharci-daro ah. Sidoo kale, waxa uu dafiray innuu Shaan dawladdeed iyo awood sheegasho uu u isticmaalay dhalinyaro baraha bulshadda kaga hadlay Musuq-maasuqa baahsan ee uu ku kacay iyo suxufiyiin uu Xabsiga ku guray, taasoo ah mid aannu beenin karin oo dafiri karin innuu awood dawladdeed u adeegsadday Dad shacab iyo Suxifiyiin-ba.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...