Soomaalida Iyo Hees-Hawleedka Xoolaha

0
Tuesday February 04, 2020 - 07:45:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 11375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Hees-Hawleedka Xoolaha

    Hees hawleedyadu waa heeso la tiriyo marka hawl lagu fooganyahay ama la qabanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hees hawleedyadu waa heeso la tiriyo marka hawl lagu fooganyahay ama la qabanayo.

Sababaha inta badan loo tiriyo hees- hawleedyada waxa ugu muhiimsan si kadeedka ama mashaqada hawshaa laysku dhaafiyo oo aan loo dareemin dhibkeeda.


Xoolaha somaalidu dhaqato meesi kastaaba wuxu leeyahay hees u gaar ah oo aanu la wadaagin meesiga kale.



Waxaa kale oo heeso loo tiriyaa waxyaabaha kale ee ay soomalidu wax ku qabsadaan sida aloolka, kebdaha, cawska iyo wixii la mid ah.


Hees- hawleedyada waxa inta badan loo tiriyaa si ay hawshu dhakhso ugu dhamaato iyo in lays ilawshiiyo dhibta hawsha markaa la qabanayo.


Xiliyada hees hawleedyadu way kala duwan yihiin waxaana loo la tiriyaa xiliyada waraabinta, milxinta, geediga, caraabaha, daajinta, foofinta, dhaanka, samaynta cawska, kebeda, aloolka iw.m


HEES HAWLEEDKA RIYAHA:

Inta badan hees hawleedka riyaha waxa tiriya dumar, gaar ahaan gashaantimaha ku foogan hawshooda iyadoo ay sidaas tahay hadana ragu Kama caagana inay tiriyaan qayb ka mid ah hees hawleedka riyaha sida waraabinta, milxinta, geediga, i.w.m.


Marka la amaanayo riyaha ayaa waxa lagu amaanaa inay shabahaan fardaha quruxda badan waxaana loogu heesaa:


ü kamiinta riyaha

ü kabti farasiyo

ü kayaad moodaa


Markale iyadoo riyaha loo sheegayo inay ceelka ama darka waraabku aad u durugsan yahay, yahayna mid lagu dhib mudanayo ayaa layidhaahdaa:


v xay dhogor yaray

v biyo waa dhadhiin

v iyo laas dhanaan

v iyo meel dhudhuba

v Oo lagugu dhibo.


Markale iyadoo la ogaysiinayo inay waqtigii ay dhalayeen soo dhowyahay loona sii culanayo haamihii caanahooda iyo subagooda lagu bixin lahaa ayaa la yidhaahdaan:

ogaroy maadahaa

owaa maalin dhow

ooo midi dhashaa

omidi dhaqayo tahay

omidi dhaadhisaa

olaga dhiijiyaa

odhiil loo culaa

olagu yara dhigaa

oLaga dhaashada.


Markale iyadoo la kala celinayo labada neef ee riyaha ah ee is dilaya ayaa ay yidhaahdaan:

ü garooy gara daa

ü adna giirooy

ü ka gu weynide

ü guuxa hoosiyo

ü gardarada daa


HEES-HAWLEEDKA MAQASHA:

Maqashu (waa naylaha iyo waxaraha yaryar ee dhashay) waxa inta badan raaca oo kambalka (meel udhaw guriga) la jooga caruurta yar yare ee reerka iyo dumarka oo dusha ka ilaaliya waxaanay ugu heesan heesahan:


§ maqaleey warlaay

§ ma laguu waramay

§ yaa ii waramay

§ ma walaalkay baa

§ webi hoose iyo

§ waaleed ka yimid


Markale ayaa ay ugu heesan heestan waxaraha oo aan ahayn habaar laakiin ah hees lagu koolkoolinaayo waxarahaa faraha badan ee meesha maraya sidoo kale maqashu aad bay udhib badan tahay waxaana laysku ilawsiinayaa dhibtooda:


* waxarahayagow

* badanooyinow

* baqaye idin laa

* idin laba labee

* laba qudha ka reeb

* labadii la qalay

* laba qurub ka cunay

* ladaadyoodayoo

* Laydhana u baxay.


Markale waxay aad ugu farxaan quruxda naylaha marka ay soconayaan waxaanay ugu heesaan:


v waa taan jiri ogaa

v een dacawo xagan

v Een dulin dhadhamin.

Markale ayey habaaraan ta naysha yar qaadhisa:

ü naysha ina qool

ü ina qool ugaas

ü tii qaadhisaay

ü qumayo indho dheer

ü ama qal ama qaad

ü ama qaalinkii ina qoor yar saar.


HEES-HAWLEEDKA DAMEERAHA:

Dameeruhu waa xayawaan ka mid ah xayawaanada ilaahay sw inoo sakhiray si aynu wax ugu rarano, dhaansano iyo in aynu u adeegsano waxyaabo badan oo kale.


Wuxu inaga mudanyahay dameerku in loo naxariisto oo la dhaqaaleeyo sida meersiyada kale ee geela, adhiga, loda.


Marka dadka dameeraha lihi amaanayaan dameerahooda ayaa ay yidhaahdaan geel waxba uma ogid oo adaa jees udhaama:


Ø Jilbo gaabane

Ø Jaawe geel buu

Ø Jees u dhaamaa


Markale ayaa loogu heesaa dameeraha in arooryada hore ay ciyaan oo ay qayliyaan waxaanay yidhaahdaan:

* Abeer dhaga weyn

* Arooryada hore

* Waa axlayn jiray.


Markale ayaa iyadoo aad loo faaninayo dameeraha oo la sheegayo inay yihiin walaalo wixii loo dhigo wadaaga yidhaahdaan:


1. Dameerahagu

2. Waa dir kow kow

3. Waa dir kabala cad

4. Waa walaaloo

5. Wixii loo dhigo

6. Way wadaagaan


Markale iyagoo doonaya inay socodka dheereyaan oo ay awrta ka dheereeyaan ayaa ay ku yidhaahdaan:


v Kuwa awrta leh

v Aan ku orinee

v Adimada fidi.

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected] Ama 0634240189

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...