Bakhtiga Ma Cunee Fuud-kiisa Baan Cabaa ( Abdi-shotaly)

0
Sunday March 31, 2019 - 14:39:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bakhtiga Ma Cunee Fuud-kiisa Baan Cabaa ( Abdi-shotaly)

    Waxay maah-maahi ahayd " Dayax dhacay nuur lagma sugo'e", waxa micnaha ah samayn mayso,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay maah-maahi ahayd " Dayax dhacay nuur lagma sugo'e", waxa micnaha ah samayn mayso, isku bedelka uu sameeyey askariga maamul Somaliland ka amar-ku taagleeyaa, sababta oo ah, awel-ba intii la boobaysay ee hor boodi jirtay, ayuun buu kolba qaar keenayaa, micnuhuna maaha wax buu hagaaji-nayaa, laakiin waxa weeye kolba in ku xoolee, oo hantidda ummadda ha ka fara qabsadeen, saw gacantu-gacan-taan ogaa een garanayuun maaha. Askarigu waa kii uun ee ma dib baa loo abuurayaa, afartii ku xeernaa ayuu hadba kala wareeji-nayaa, maxay soo kordhina-yaan aan boob ahayn iyo in naas nuujin in gaar ah loo sameyo mooyee?, Kolba koronkoro ku hoos jirtey buu ummadda ku soo daynayaa. (IHUN), Axmed ismaaciil diiriye ( Qaasim), baa tix uu lahaa ay ku jirtay " Isma doorin gaal-kaan diriyo, daarta kii galye" sidaas awgeed, kun jeer haddii isku warwareejo, oo kolaba qaar diro, oo kuwo qatanaa uu keeno, daba dhilif-yadda ku xeernaa uun weeye, wuxuun bay noqonayaan kuna sifooba-yaan murtiddii ahayd " Bakhtiga ma cuno ee fuudkiisa baan cabaa" wax is bedel ahina ma imanyaan, ee waa wixiisii xilka lahaa, ee uu ku shaqaysan jirey, isaga oo kolba qaar ooman hantidda ummadda gacanta u geliya, oo raba in uu dhaqaale ugu sameeyo. wax lagu farxaa meesha ma yaalaan, in lkaga sii naxo mooyee.

Suugaan baa iyana ahayd " Nin sabool ah iyo awrka raray-ba way sibiq dhaqaaqaane, labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane" sidaas awgeed, kuwan uu meesha soo dhoobay-na, wuxu doonayaa in uu seetadda uu ku jooji-nayo uga dhigo hantidda ummadda ee jeegaantu boobayso. wax-ba yaanu ku marmar-soon, kuwaas waan dhaliilay, oo qaar nadiif ah baan keenayaa, waa isla noocii uun hadaanay kaba sii darnayn. waxana ay yihiin kuwii la yidhi " Inkastuu durdur iyo dabaal galo, doofaar abidkii ma daahiro, mana doorsho wuxu yahay" akhristaw maamulka kaste oo kulmiye ahi, wax uu isku sii cayn iyo bayd gooyo mooyee, in wax faa'iido muwaada-niinta u leh uu soo kordhiyaa, waa dameer san madaw iyo sacabkoo tima-yeesha. Xuunshadda bahasha la yidhaaho, baa Somalidu wax weydiisay, oo ay ku tidhi " shar iyo khayr mid-na ma lihide, maxaad kau nooshahay" waxay tidhi oo ugu jawaabtay " Aniga waxa igu filan qanjidh aan xado", oo raqa meel bahal ku dilay kala hoos baxo. Waxan akhristaw uga jeedaa oo aan u soo qaatay tusaalahan, kuwan meesha lagu soo ururinaayo kolba qaar, wax kale uma imanyaan, waa tuuganimo iyo in ay xadaan hantidda ummadda, ee yaan wax qosol ku jab ah la idin-la hor ordin.

Waxan ku soo af-jaray qoraalkan, oo aan doonayaa tusaale kale in aan idinka siiyo, in duulka uu askarigu leeyahay waan eryey iyo kuwan uu u yeedhay, in ay yihiin " isma dhaanto iyo dhasheed". wuxu yahay tusaaluhu, haaddii aad dhadha-misid biyaha bad yarta sidda badda-Cas ( Red sea water) iyo kuwa bad weynta Hindiya ( Indian Ocean), ogaw labadaba biyo milix leh baad cabtaye, waxa sidaas ka dhigan oo aan minco samaynayn arimaha uu askarigu ku kacaayo, ee marba uu qaar sooman keenaayo, kolka ay kuwii hore dibiraan. wax-ba yaan hadalka ku sii tumane, geed engegan qofka yidhaaha waxan ku bedelayaa qoloftii ka dhacday, oo geedkii baan dib u qoynayaa, myey suura-gal tahay? jawaabtu waa maya, ee waa indho-sarcaad loo dhigaayo ummadda iyo jaho wareerintii ay ku shaqaysan jireen, ujeedo kale ma laha, ee waa wixiii hore lagugu ogaaye, bal maantana shaadh kale u soo gasho, in aad ayaamo ku sii ceeshto sidaasi, ama mudo ku sii maaweeliso ummadda iyo habel been-tiisii socon wayday ee mid cusub, oo isna maalmo wareeriya ka dul keen. taasina soo dhamaatay, wax dambe oo laga dhegaystaa ma hadhin, wuu jaflo dhabanayaa askari-guye, daaya marba jar kale ha isku sii qaado, ka xun hoggii hore ee uu ku jiraye. tani in aanay cag dhigayn waa cadaan iyo sidda cadceedaase.

* N.B Isma Doorin Gaalkaan Diriyo Daarta Kii Galkaye


Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...