Hawl Karnimada iyo Kartidu Waa Hidaaya Alle Bixiyo Waaana Mid Ay Ku SuntanTahay Wasiir Hinda Jaamac Xirsi (Gaani).

0
Monday February 03, 2020 - 19:30:24 in Articles by
  • Visits: 1590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawl Karnimada iyo Kartidu Waa Hidaaya Alle Bixiyo Waaana Mid Ay Ku SuntanTahay Wasiir Hinda Jaamac Xirsi (Gaani).

    Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Hinda Jaamac Xisi Gaani oo noqotay Wasiirkii Ugu Muuqa Weynaa Sanadkii Tagey Ee 2019. Hadaba:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Hinda Jaamac Xisi Gaani oo noqotay Wasiirkii Ugu Muuqa Weynaa Sanadkii Tagey Ee 2019. Hadaba:


Maxey Ka Qabtey Wasaaradda Intii Xilkaasi Ay Haysey ?

Intaasiba Waa Tusmo Muujineysa Muuqaalka Dhabtaa EeWasiir Hinda.

Iyadoo ka duulaysa Qorshaha Wasaaradda ee 2018 ilaa 2021ka waxa la qabtay :-

*Hirgalintii shirwaynihii kootada haweenka,

*Diyaarintii Siyaasadda iyo hirgalintii xeerkii shaqaalaha Rayidka ah ee xeer 31/2004.

*Haween iyo qoysas danyar ah oo 55 qoys ah oo ay wasaaradda u furtay ganacsiyo kala duwan.

*Shirarka iyo la kullanka hay'adaha ka shaqeeya Arrimaha Bulshadda, Qoyska oo si joogtaa uga dhaca wasaaradda siyaasad u gaarana loo sammeeyay.

*Caawinta iyo Gurmadka dhallinyarada darbijiifka ah, kuwa agoomaha ah iyo caawinta danyarta kala duwan ee bulshada kudhex nool.

*Qabanqaabada shirarka Carruurta, kuwa tacadiyadda ka dhankaa Haweenka iyo hirgalinta siyaasadda uga degsan.

*Qorshaha wasaaradda oo si joogto ah loo Fuliyey sanadkii 2019.

*Shirka Qoondada beelaha laga tirada badan yahay oo la Hirgaliyey Iyadoona Ay Wasiiradu Si Weyn Ugu Dhiiratey Sidii Qoondada Beelahaasi Iyo Weliba Xeerka Haatan Hada Hor Yaala Labada Gole Barlamaan Loo Ansixin Lahaa.

*Shirarka Carruurta ee sanadlaha ah, oo Wasiiradu Si weyn Ugu Dhiiratey Hirgelinta Iyo Ansixinta Qabyo Qoraalka Xeerka Caruurta Oo ay Shir Gudoonka Golaha Wasiiradu Meel Mariyeen.

*Hirgalinta shirweynaha wasaaradda ee 2020 Ee Kaga Tashiga Hawl Qabadka Wasaaradeeda Iyo Hir Gelinta Hawlaha Umada Ee Ay Wasaaradu fuliso Maalin Kasta.

*Kullanka Saraakiisha Nootaayooyinka oo wasaaraddu soo qabanqaabisay iyo qodobo muhiima oo la Isla gartay Waafaqeena Maamuleyaasha Nootaayooyinku Uuna Noqdey Mid Hir Galey.

*Furitaanka shirka shaqaalaha iyo shaqo bixiyaha oo Borama Wasiirku ka furtay Kaasiyoo Siweyn Wax Uga Tarey Dhalin Yaro Badam Oo Shaqo La.aan Haysatey Taasiyoo ay Ugu Danbeyn Guul ka Gaaxhey Wasiiradu.

*Mashruuc 32Kun qoys oo danyar ah oo bilkasta lacag dhan $20 la siin doono Oo Noqdey Mid Kaalin Mug Leh Ka Qaatey Waxtarka Bulshada Danyartaa Ee Dalka.

*Shirka Isla xisaabtanka waaxyaha wasaaradda oo dhacay Kaasiyoo Siweyn Wax Uga Badaley Fulinta Shaqada Wasaaradaasi Ee ay Waaxuhu U Fuliyaan Si Joogtaa.

*Tartan ciyaareed wasaaraddu u qabatay dhallinyarada darbi jiifka ayna Ku Dhiiri Galisey Tusteyna Iney Noqdaan Dad Mustaqbal Leh.

*Tababarka Masuuliyiinta maamula xarumaha darbijiifka iyo Agoomaha oo la qabtay Oo Lagu Kobcinaayey La Dhaqanka Maamulida Hagista Dhakintaasi.

*Xuska maalinta naafadda Adduunka oo wasaaraddu qabatay Taasiyoo Ay ku Muujisey


Kartidooda Dadkaasi Baahiyaha Gaarkaa Qaban.

*Hirgalinta shirka 16days of activists ee tacadiyadda ka dhanka ah Carruurta iyo dumarka Oo Isna ay Mudo Wadeyy Wasaaradu Laguna Soo Bandhigey Arimo La Xidhiidha Sidii Looga Hor Tagi Lahaa Arimahasi.

*Wasaaradda oo afartan qoys oo danyar ah bilkasta siin doonta 82$ calaa qoys.

*Hirgalinta siyaasadda shaqo carbinta.

*Barnaamijka UPSHIFT oo 50 dhallinyaro ah loo furay si ay fikirkooda u horumariyaan.

*Shirweynaha hirgalinta shirarka qoondada Haweenka.

*Kullanka maalinta caalamiga ah ee dhimirka.

*Dhameystirka sahanka Shaqaalaha Rayidka ah

*Furitaanka shirka shaqo abuurka ee Gobolka togdheer oo qabsoomay.

*Qabashadda xusaska kala duwan sida kuwa dhallinyarada Adduunka iyo furitaanka shirwaynihii Soonyo.

*Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Roobabkii Hargeysa oo deeqo la gaadhsiiyey.

*Furitaanka tababarka ku saabsan dhawrida caruurta oo la qabtay.

*Caawinta Xarunta dhimirka qaaxada sida dhar , xoolo iyo agab kale oo la gaadhsiiyey.

*200 qoys oo danyar ah oo loo qaylibiyey Hilib iyo taakulayn.

*Shir ku saabsan Arrimaha shaqo abuurka oo la qabtay.

*Kullanka hay'adaha ka shaqeeya Arrimaha naafadda la qabtay.

*Kullanka Maalinta Carruurta Afrika oo wasaaraddu soo agaasintay.

*Ciidsiin iyo dalxiis gayn Carruurta Ku nool Xarunta Agoomaha ee Maxamed Mooge.

*Xadhig ka jarka Xarunta shaqodoonka oo dib u habeyn lagu sammeeyay

*Gurmadka kaamka istaanbuul oo dabqabsaday.

*Guddoonsiinta shahaadooyin arday lagu tababaray Xarunta shaqodoon kuna saabsanaa horumarinta Ganacsiga iyo shaqooyinka.

*Shirka maalinta caalamiga ah ee Haweenka oo ay qabatay wasaaraddu.

*20 qoys oo kale ayaa wasaaraddu shaqo abuur u samaysay.

*caruura oo lagu xareeyay xarunta Maxamed Mooge

*Kullanka daneeyayaasha ka shaqeeya wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshadda oo la qabtay.

*Qabashadda xuska maalinta gudniinka Fircooniga ah Iyo Kuwo Kale Oo Aan Halka Lagu Soo Koobi Karin Oo Ay Ka Qabtey Gobolada Dalka Intii Ay Xilka Wasaaradaasi HaysayWasiir Hinda Jamac Xirsi (Gaani).

Waana sababtay u noqotay wasiirkii ugu Muuqa dhera Sanadkii tegay ee 2019kii.

Eng Abdirahman Adem Ahmed

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...