Taliyaha Ciiddanka Dab-demiska Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maamulka gobolka Sanaag

0
Monday February 03, 2020 - 19:18:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciiddanka Dab-demiska Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maamulka gobolka Sanaag

    Taliyaha Ciiddanka Dab-demiska Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maamulka gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciiddanka Dab-demiska Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maamulka gobolka Sanaag

Hargeysa(HWN):-Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta kulamo la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo.

Masuuliyiintan ayaa kala ahaa Badhasaabka Gobolka Sanaag, iyo Duqa Degmada Ceerigaabo. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wadajir looga wadashaqayn lahaa in magaalada Ceerigaabo yeelato loona yagleelo Ciidan Dabdemis oo tayaysan isla markaana ka hawlgali kara Gurmad kasta oo yimaada.



Ugu horayn Badhasaabka iyo Mayorka ayaa si weyn u soo dhaweeyay una bogaadiyay waxqabadka Ciidanka Dab-demiska, waxaanay tilmaameen baahida ay Ceerigaabo u qabto Ciidan Dab-demis, iyagoo xusay tiro dab ah oo ka dhacay magaladaas taasoo ay adkaatay maarayntoodu.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa ballanqaaday waxkasta oo looga baahdo inay diyaar u yihiin talo, tusaale iyo sidii loo samayan lahaa Ciidan Dab-demis oo dhankastaba ka dhisan.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadaba sida ay diyaarka ugu yihiin in Ceerigaabo loo sameeyo ciidan Dab-demis, waxaanu warbixin ka siiyay masuuliyiinta aasaaskii Dabdemiska iyo halka uu maanta marayo iyo waxyaabaha laga doonayo in laga wada shaqeeyo. Dhanka kale wuxuu taliyuhu tilmaamay in ay ka go’antahay in Ceerigaabo loo sameeyo Ciidan cudud ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan.

Ugu dambayn waxaa laysla qaatay in si wada jira looga shaqeeyo diyaarinta xubnaha loo tababarayo inay noqdaan Ciidanka Dab-demiska Degmada, intaa kadibna la gudagalo hawlaha kale ee muhiimka ah ee ku saabsan aasaaska Ciidanka ee magaaladaas.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...