Badheedhka Muuse Biixi Ee Saamiga Maxamed Case.

0
Sunday March 31, 2019 - 14:28:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badheedhka Muuse Biixi Ee Saamiga Maxamed Case.

    Hagardaamada Muuse Biixi Uu Ku Hayo Beelaha Maxamed Case.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hagardaamada Muuse Biixi Uu Ku Hayo Beelaha Maxamed Case. Xilalka Madaxwayne Muuse Biixi uu ka qaaday Beelaha Maxamed Case ee aanu bedelkoogii u buuxin saamiga Beelaha Maxamed Case.


#Beesha_Bahabar_Aadan Maxamed Case 1) Dr. Cabdirashiid Axmed Guuleed (Sumal) Agaasime Guud W Ganacsiga Iyo Warshadaha.



#Beesha_Bahabar_Muuse Maxamed Case

2) Prof. Siciid Axmed Jibriil (Isqawrac)

Agasime Guud Wasarada Macdanta & Tamarta

3) Khadiira Daahir Muumin (Khadira Boodhe)

Agaasime Komisha HIV/AIDS

4) Sareeye Guuto: Max'ed Cisman Ibrahim (Xudhun) Janankii Ciidanka Asluubta qaranka JSL.


#BahabarAadan Maxamed Case

5) Gud. Cumar Cabdi Xasan

Badhasaab Kuxigeenka Gobalka Salal.

#Beesha_Arayn Maxamed Case 6) Prof. Guuleed Cabdi Xasan Wacays Wasiir Ku Xigeen Wasaaradda Warfaafinta

#Ree_Maxamed Maxamed Case

7) Cabdiraxmaan Axmed Kaahin (Kaahin) Saad Haye Ciidanka Madaxtooyada .

#Bahabar_Abokor Maxamed Case

8)


Xubin Gudidda Maamul Wanaaga

Beelaha Maxamed Case ee xilalkoogii saami ku waayay doorashadii madaxwayne ee Muuse

Biixi ayaa ah beelaha saamiga Gadabuursi ka maqna. Beelaha Maxamed Case aya ah beeshii Rayaale ka raacay Madaxwayne Madaxwayne Siilaanyo. Belaha Maxamed Case aya a beeshi Xisbiga Kulmiye u horseeday Madaxtooyada.

Beelaha Maxamed Case ayaa ah beelaha dalka looga yaqaano "#Fartaydii_Eeday".


Hadaba waxa iswaydiin mudan Sababta Beelaha Maxamed Case ay isku shaandhayn kaste xilal looga qaado iyagoo hore ay uga maqnaayeen saami xukuumadeed tiro badan.

Iswaydiinaha saamiga Beelaha Maxamed Case aya lookala garan karin arimo badan oo kala ah:

1. Ma Tafaraaruq Beelaha Maxamed Case ahbaa?

2. Ma Hogaan xumo aiyaasiyiinta Maxamed Case ahbaa?

3. Ma Xidhiidh li'i Maxamed Case & Madxwayne ahbaa?

4. Ma Godob deegaan Maxamed Case & SacadMuse ahba?

5. Ma Saami Doonasho la'aan Maxamed Case ahbaa?

6. Ma Arim Salaadiinta dhaqanka Max'ed Case ahbaa?

7. Ma saaqidnimo siyaasadeed Max'ed Case ahbaa?


Si kasta ha haate, arintan ayaa dhankaste saamayn wayn oo dhibeed kuyeelatay Beelaha Maxamed Case. dhibaatooyinka oo kala a ama loo kala dareemay:


Siyaasi la'aan, Mashaariic la'aan, Horumar la'aan deegaan, Shaqaale la'aan iyo dhaqaale ahaan iyo wax lamido deeganadi iyo dadkii Beelaha Maxamed Case dib udhac wayn kuyeeshay kuwa oo halis galiyay mustaqbal siyasadeedkii Beelaha Maxamed Case.


Beelaha Maxamed Case oo 10 Toban Xildhibaan baarlamaanka kule ayaa hadana xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye ka helin xilal dhamayn 7 digreeto Madaxwayne. Halka ay ku wayeen xilal digreeto Madaxwayne oo ka badan 8 digreeto iyo kuraas ka badan 20 kursi siyaasadeed ama maamul.

Allahayow nin iidaran maxaan daafta hore seexshay

Nin iidaaqsanayana maxaan daafida ukariyey

Jidhku nimaanu doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay

Madegdege xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay

Weji debecsan daymo aan dareengelin dubaaqiisa

Dibno furan dabuub aanu kadidin deexashiyo muuso

Qosol dibada yaal oonka iman dhuunta dacalkeeda

Kanaan degey kanaan doorbiday kani danbaan mooday

Waxaan dood kaftan ah sheekada ugu daleeyaaba

Dabinkaan udhigo maalintuu degelka soosaaro

Inta aan dawaarka urogo to xeelada udaadsho

Isagoon dareen qabin maxaan kaga dayaan siiyay

Prof. Cabdi Xaaji Xasan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...