Mashaariicdii laga maalgelinaayey Sanduuqa SDF 1&2 xagay kudanbeeyeen?

0
Monday February 03, 2020 - 07:26:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaariicdii laga maalgelinaayey Sanduuqa SDF 1&2 xagay kudanbeeyeen?

    Maxayse ku dhamaadeen Mashaariicdii Maamul-daadejinta ee JPLG? A/rahman fidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxayse ku dhamaadeen Mashaariicdii Maamul-daadejinta ee JPLG? A/rahman fidhinle UK
 1- Mashruuca JPLG ee maamul-daadejinta dawladaha Hoose ( Joint Programme on Local Governments)

Waxaa mashariicda JPLG ee maamul- daadejinta Dawladaha


hoose maalgeliya dawladaha deeqaha bixiya ee qaramada midoobay waxaana ay dhaqaalaha soo mariyaanMadaxdahayadahooda sida Hayada UNDP, NICEF, UNCDF, UNHABITAT iyo ILO Iyada oo la cuskanaayo Xeerka ismaamulkaGobolada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr- 23 ,Waxaa mashruucan laga fuliyey Degmooyinka darajada A,B,C kuwaaslaga hirgeliyey laguna soo koobay Sideeddegmo oo keliya oo ay ka mid yihiin. Maroodijeex, Burco, Boorama, Berbera, Oodweyne, Seylac,Gabiley iyo Degmada Sheikh. Hadaba Su'aasha qarnigu waxay tahay Maxaa loo qoondeeyey 15- kii Degmo ee mashruucani uuka dhamaaday?

Mashruucan oo Somaalilaan ka socdey 6-dii sanadood ee la soo dhaafay ayaan weli gaadhin yoolkii maamul-daadejineed eeuu higsanaayey maadaama lala raftay oo aanu wada gaadhin dhamaan gobolada dalka oo dhan gaar ahaan Goboladii Bariga oo aad ugu baahnaa mashruucan. Barnaamijka maamul-daadejinta ee mashruucani xanbaarsan yahay ayaa loogu talo galay in adeegyada guud loogu dhaweeyo dadweynaha reer Somaalilaan, adeegyadaana waxaa ka mid ha , Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo korontada. Goboladii uu ka dhamaaday mashruucaniayaa laga dhawaajiyey indawladu ugu bedeli doonto mashruuc kale oodhawaan dhaladah oo loogu magac daray Mashruuca Balaadhinta Maamulka iyo Maareynta Dawladaha Hoose, waxaana laga bilaabayaa ayey leeyihiin Gololada Bariga sida Gobolka Sanaag, Sool iyo Saraar waana loo joogi doona wixii nool.

2- Mashruuca Education Cannot Wait oo Somalilaan loo qoondeeyey lacag dhan $ 22 Million dollar , mashruucaas oo socon doona mudo 4 sano ah ayaaney weli dawlada Somaalilaan shacabka u soo bandhigin sida Gobolada Somaalilaan loogu qeybiyey.

3- Mashaariicda Global Partnership for Education oo Somaalilaan loo qoondeeyey lacag dhan $18 Million oo dollar kaas oo isna socon doona 4 sano ayaan isna weli ummadda JSL loo soo bandhigin Goobaha iyo Gobolada loo qorsheeyey in laga fuliyo.

4- Mashruuca Horumarinta Cilmigaoo Midowga yurub ugu deeqay Somaalilaan lacag dhan $15 millionkaas oo maraaya wejigiisii Sadexaad isna
weli shacabka reer Somaalilaan Xukuumadu umay soo bandhigin goboladaama goobaha laga fuliyey ama uu ka socdo hada.

5- Mashruuca G12 ee isna loogu yaboohay JSLlacag dhan £13.Million dollar taa soo loo qorsheeyey in lagu dhiso laguna qalabeeyoDugsiyada Farsamada Gacanta ee JSL ayaan isna weli warkiisa laheyn..

5- Dawlada ingiriiska ayaa lacag dhan $25 Million oo dollar ku kordhisay qadarkii lacagta ahaa ee ay ku shubi jirtay Sanduuqa Horumarinta Somaalilaan ( SDF)
Shacabka Somaalilaan weli looma cadeyn Gobolada iyo Goobaha lagu maal gelinaayo lacagtaas tirada badan.

6- Mashruuca isna ay bixiyeen Qaramada midoobay ee GPEooay isnaku baxday lacag dhan $1.million doolar loona qoondeeyey in macalimiinta Somaalilaan lagu tababaro warkiisa lama maqal in uu dhamaaday iyo inta macalin ee ka qayb qaadatay.

7- Mashruucii uu bixiyey Baanka Germayoo Somaalilaan uu ugu deeqay lacag dhan $10.million dollar si loogu sameeyo Biyo qabatin, Gabeyno iyo Caro-gedi isna waa lays weydiinayaa halkuu ku danbeeyey mashruucaasi iyo goobaha wax laga qabtay?

8- Mashruucii ka sooKabashada Abaaraha ee Dawlada Canada ugu deegday lacag dhan $10.Million Dollar labada Gobol ee Togdheer iyo Daad-madheedh xaguu isna ku danbeeyey, sowtan Togdheer qaylinaysa ma dhamaaday ooshacabka maloo soo bandhigay? Waxaa laga dhawaajiyey in mashruucani raacsanaaa Wejigii 1-aad ee SDF 1.

9- Mashruucii $ 20 Million dollar ahaa ee Hayada USAID ku horumarinaysay Beeraha, Xoolaha iyo Kaluunka Somaalilaan isna Xaguu ku danbeeyey mase dhamaaday mise xaalkiisu wuxuu iska noqday " Aan ka fuudee- allow - fii-haa " !! Hadii mashaariicdan si doodii loo fuliyey waa indhaqaalaha JSL ee saktarkan oo hada ah 8% uu kor u soo kacaa hadii kale xaalku waa hal bacaad lagu lisay.

10-Sanadkii dhamaaday Qaramada midoobay ayaa Somaalilaan ku deeqday lacag dhan $3.5 Million Dollar si wax loo taro Degmooyinkii iyo Goobihii ay Duufaanadu saameyeen sanadkii dhamaaday isla goobahaas ayaa hadana lagu soo gunaanaday dhawaan mashruucii baaxada lahaa ee maamul-daadejinta hadana wax qabad muuqda lama sheeginoo goobahaas lagumaaragYaab !!

Somaalida ayaa ku maah-maahda" Beentaada hore runtaada danbe ayey dishaa"-Somaalilaan maanta runtii ayaa beentii ku dhex ambatay. Waxaana dhacday in
Qorshihii Labaad eeHigsigaHorumarinta Somalilaan (SNDP 2)in aanbud-dhig iyo baleysin looga dhiginSanduuqa Horumarinta Somalilaan ee SDF1 iyo 2. Taa soo iyana sababtay in mashaariicdii uu Sanduuqu maalgelinaayeyaygaabis ka noqdaanujeedooyinkii loo abuuray ee ahaa inkor loogu qaado nolosha shacabka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka iyada oo lawada gaadhsiinaayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo dhan. Waxaa dhawaan laga dhawaajiyey in iyada oo aan la qabyo tirin oo aan sixitaan lagu sameyn Wejigii 1-aad ee Mashaariicdii Sanduuqa horumarinta Somaliland in layska bilaabay markiiba Wejigii 2-aad ee Sanduuqa Horumarinta Somalilaan ee SDF 2 Taa soo shacabkii uu ku wareeray qorshe xumada ragaadisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaalilaan.

Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in laysu dheeli tiro sifiyaasha loo bixinaayo mashaariicda horumarineed ee dalka,si looga wadadhadhamiyo Gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.Waxaana Xukuumada laga filayaafidinta iyo sii balaadhinta maamul daadejintasi looabuuro kobcinta dhaqaalaha iyo hanaan dimuqraadiyadeed oo ku wadda fida dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...