Uma Muuqdaan Reer Awdal 9 Sanadood Oo Xukunka Dalka Hayeen

0
Monday February 03, 2020 - 07:19:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uma Muuqdaan Reer Awdal 9 Sanadood Oo Xukunka Dalka Hayeen

    Runtii waxa igu qasbay inaan maqaalkan Qoro, ayaa waxay tahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtii waxa igu qasbay inaan maqaalkan Qoro, ayaa waxay tahay,
Markaan arkey dhacdooyin badan, oo isagu jira dilal iyo hanjabaado, ku soo noq noqonaya, deegaan keliya oo ah Gobolka Awdal, dilalkaasna lagu sheego nin Suldaan Weber la yidhaahdo. Laakiin uu ka danbeeyo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, Sheekh Diheeye, Suldaan Wabar iyo Cabdiraxmaan Shide Bile, waqti igu filana aan ogaa, ka markhaatina aan ahey, Xidhiidhka reernimo ee u dhaxeeyeyna aan ogaa.



Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee shacabka Somaliland naxdinta weyn ku reebtay ee aheyd weerarkii lagu qaaday guriga Badhasaabkii hore ee Boorame 2015, laguna dilay laba askari laguna dhaawacay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, Jidgooyin, Jabhad hubeysan laga sameeyey gobolka Iyo askarigii lagu diley biyo gelinta Boorame, maantana loogu hanjabey in la dilo badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali,waa in Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanku dacwad ku soo oogto, Daahir Riyaale Kaahin, SHeekh Xasan Diheeye,Suldaan Abuubakar Cilmi Waabar iyo maayarkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bile maadaama ay ka danbeeyeen dilalkii iyo abaabulkii fowdada ahaa ee sanooyinkii u danbeeyey, ka dhacayey gobolka Awdal loona hayo cadeymo iyo markhaatiyaal.



Shacabka reer Awdal ma aaminsana Dawladnimada Somaliland, waxay u haystaan qoys keliyi uu ku shaqeysto, Danahoodana ku fushadaan ama xukun wax lagu maroorsadey... oo wax lagu dhaco..Uma muuqdaan 9 kii sanno ee ay xukunka dalka hayeen, Dawladi waa qayb ka mid ah dadka oo la ururiyey, loo qaabeeyey iney u adeegaan bulshada (adeega bulshada), loona xilsaartay iney hogaamiyaan,siyaasadda, dhaqaalaha, sugida amniga, ilaalinta iyo fulinta sharciga (siyaasada), ilaalinta badda iyo cirka iyo dhamaan xuduudaha ay leeyihiin bulshadaas ay metelaan, difaacida xoriyada muwaadinka, iyo qaranka guud ahaanba.


Waxay kaloo dawladdu garsoore u tahay muwaadinka, sidoo kale waxay Xaakim u wada tahay muwaadiniinta ay dawladda u tahay, oo la doonayo inay u kala garqaado kii gardaran ay sharci mariso, kii laga gardaran yahayna ay xaqiisa usoo dhiciso.


Prof, Mohamed Ahmed Farah Mataan (jaafaa)

Liverpool, UK.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...