Faa'idooyinka Iyo Waxtarka Muuska:

0
Sunday February 02, 2020 - 16:15:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'idooyinka Iyo Waxtarka Muuska:

    Muusku wuxu kamid yahay khudrada sida aadka u balaadhan looga isticmaalo aduun weynaha aynu ku nool-nahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muusku wuxu kamid yahay khudrada sida aadka u balaadhan looga isticmaalo aduun weynaha aynu ku nool-nahay.

Muusku wuxu leeyahay nafaqooyin badan iyo macdano badan oo ku jira oo isaga u gaar ah.

Qaar kamid ah Saynisyahanadu waxay rumaysan yihiin inu muusku yahay khudradaha  dunida nooca ugu horeeya.



Maanta muusku wuxu ka baxaa ugu yaraan 107 wadan oo ku yaala dunida eebe balaadhshay,markii la qiimeeyey sida ay u kala sareeyaan khudradaha dunidu muusku wuxu soo galay kaalinta afraad.


Marka la eegayo isticmaalka muuska ee wadamada waaweyn ee dunida tusaale ahaan wadanka maraykanka waxa laga cunaa muuska in kabadan inta laga cuno khudradaha kale sida liinta, iyo tufaaxa oo laysku daray.


Marka aynu eegno aduun waynaha waxa laga isticmaalaa muuska, hadaba dadka qaar ayaa laga yaabaa inay is weydiiyaan muusku ma u wanaagsan yahay caafimaad ahaan?


Hadaba inagoo ka dab-qaadanayna weydiintaa muusku wuxu leeyahay faaidooyin badan oo xaga caafimaadka qofka la xidhiiidha muusku:


1.    Wuxu yareeyaa khatarka cudurka kansarka(cancer).

2.    Muusku wuxu sidoo kale yareeyaa cudurka xiiqda(asthma)

3.    Wuxu hoos u dhigaa cadaadiska dhiiga (lowering blood pressure)

4.    Wuxu wanaajiyaa caafimaadka wadnaha (improving heart health)

5.    Muusku wuxu yareeyaa  khataraha caafimaad ee qof lasoo darsa.

 

 

 

Faytamiinada Iyo Macdanaha Laga Helo Muuska (Bananas Variety Of Vitamins And Minerals):

*    Vitamin B6  -5mg

*    Manganese -3mg

*    Vitamin C -9mg

*    Potassium -450mg

*    Dietary fiber -3 g

*    Proteins -1g

*    Magnessium   -34mg

*    Folate -25    0mg

*    Riboflavin   1mg

*    Niacin 8mg

*    Vitamin A -81

*    Iron -3mg

FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE MUUSKA( HEALTH BENEFITS OF BANANAS)

Wuxu Yareeyaa Cadaadiska Dhiiga (Lowering Blood Pressure):

Muuska waxa ku jirta maado la yidhaahdo sodium taas oo yaraysa cadaadiska dhiiga sidoo kale waxa muuska laga helaa maado kale oo jidhku u baahan yahay taas oo ah potassium jidhkana muhiimad gaar ah u leh maadadaas oo muujisa oo balaadhisa marinada uu dhiigu maro (vasodilation effect).

Yaraynta Cudurka Xiiqda( Lowering Asthma):

Sida lagu ogaaday cilmi baadhis laga sameeyey imperial college of london waxay sheegaysaa daraasadaasi in caruurta yar-yar ee cuna hal muus ah maalinkasta waxay helayaan boqolkiiba 34% inay jidhkooda ka yaraato xanuunkan xiiqdu.

 

 

Yaraynta Kansarka(Cancer ):

Ku tabobarka caruurta yar-yar  Cunista muuska, liinta, iyo sharaabka liinta labada sano ee noloshooda ugu horeeya waxay yaraynaysaa khatar kasta oo jidhkooda soo gali lahayd, sababta oo ah waxa ku jira vitamin C .

Muusku Wuxu Yareeyaa Macaanka:

Xaqiiqooyin daraasado ah ayaa muujinaya in nooca macaanka ah ee  loo yaqaano type 1 uu kor u qaado  isticmaalka  noocyada kala duwan ee cuntooyinka halka nooca labaad ee macaankuna ee loo yaqaano type 2 uu kor u qaado xadiga sonkorta ah ee dhiiga ku jirta sidoo kale wuxu kor u qaadaa xadiga lipids iyo heerka insulinta ee iyana jidhku soo saarayo.


Faaidooyinka Kale Ee Muuska Waxa Kamid Ah:

vCunista muusku waxay yaraysaa heer kulka jidhka (temperature level),sidoo kale cunista muusku wuxu  qaboojiyaa qofka xiliyada ay xumadu hayso ama kulka maalintii.


vCunista muusku ee lagu dhex cuno cuntooyinka  waxay qofka ka caawisaa inay deganaato xadiga sonkorta ah ee dhiiga ku jirtaa sidoo kalena ay yarayso yalaalugada qofku marku xanuunsado.


vCunista muusku waxay ka hortagaan kansarka kalyaha(cancer of kidneys) ku dhaca sidoo kalena waxay ilaaliyaan araga  wiilka indhaha, sidoo kale cunista muusku waxay dhistaa lafaha iyadoo kor u qaadaysa soo saarida maada kaalshiyamta.


vMuusku wuxu ka hortagaa sunta jidhka isagoo jidhka siiya difaac uu iskaga difaaco xanuunada deg-dega ah(chronic disease).

vMuusku wuxu yareeyaa bararka jidhka, sidoo kale muusku wuxu ka hortagaa nooca labaad ee macaanka ee loo yaqaano type 2 , sidoo kale muusku wuxu qofka ka caawiyaa inu dhimo miisaankiisa.


vsidoo kale muusku wuxu xoojiyaa awoodna siiyaa habdhiska dareen wadka binu aadmiga (nerveous system), sido kale wuxu caawiyaa muusku soo saarida unugyada dhiiga ee cad-cad (white blood cells) kuwaas oo jidhka ka difaacada cudurada.


vMuusku wuxu qofka ka ilaaliyaa murqo xanuunka xiliyada uu qofka aadka u shaqeeyo ee uu daalo sidoo kale lugo xanuunka ayuu ka ilaaliyaa.


vMuusku wuxu qofka ka ilaaliyaa niyad jabka iyo werwerka ama wacaala waxaanu ka dhigaa maskaxda qofka mid dareemadeedu ay aad u  fiican yihiin.

 

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]      Ama 0634240189

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...