Gabayga CILCILLAW

0
Sunday March 31, 2019 - 12:32:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga CILCILLAW

    Keliya dawladnimada ayaa suuragelisa in nolol dhammays ah la helo. Wixii kale ee ka soo hadhaaba waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Keliya dawladnimada ayaa suuragelisa in nolol dhammays ah la helo. Wixii kale ee ka soo hadhaaba waa
 wax laysku maandhaafo oo aan dammaanad qaad lahayn.

Tixdan oo ahayd 20 - 1 - 2017, kii. Waxay ka hadlaysaa Mawduucaas iyo in Bulshada lafteedu qayb ka tahay dhibkeeda.



CILCILLAW


1.Hadba gabay anoo caashaqdhigay yaygu celiyaane
2.Oo caynaddiisaba indheer curin ku maansoonnin
3.Ayuun baa calaamooyin jira igu cusleeyaane

4.Wax cindigu ka caagaba haddan kuu cabbirayaaye
5.Caynleey waxan kuu wadaa cudur la'aaneede
6.Canaan iyo tilmaan muuqatoo cidina eegaynin
7.Iyo xaal cakiran oo callaqan oo cod heliwaayey
8.Ayaan caawa faallaynayaa waa cibro adduune

9.Carab iyo caddaan iyo cajebi caamka idilkiiba
10.Cududaha galbeed iyo haddaad bari ciddii eegto
11.Ama aasiyada caadday iyo ruush cilmiyo dhawrto
12.Cidkastaba colkii talinayaa saara cilin keede
13.Carra-edeg waqay baanan arag caano wada qaade !

14.Innagana cibaarada jirtiyo ceebta nagu baahday
15.Caammiyo carruur iyo haddii cayddi lalinaayo
16.Oo Calanka beeluhu hayaan waa cajeb adduune
17.Ciis iyo kawayn dawladnimo cudur qabiileede
18.Noolaha carshiga saanyadee sare u cayntaarmay
19.Calwis iyo ciyaar kuma hantiyin caadka oogada'e
20.Cirka waxay hayaan ugu kaceen cago-gubyoodkiiye
21.Canaad iyo hadday caagle iyo caytan ku habsaanto
22.Ama aan sharcigu caawinayn calal ma keeneene
23.Casiimmaba xugmiga dawligaa lagu ciseeyaaye

24.Cagsigeed hadday kaa gashana curini kaa dheere
25.Cilmi dawlad uun baa dhashiyo cosob la gaadhaaye
26.wax kaloo la coogcoog sadaan kuu cayimin guule
27.Caynaano nolol kuu cuddoon oo caqabad dhaafta
28.Iyo ciirsi libin buuxsantoo lagu cad-roonaado
29.Cugashada maqaam gobannimoo caalaq laga dhawray
30.Ayuun baa xornimo kuu cawila cidhib-wanaaggeede
31.Candadawl na cisigii dalkuu ciirogeliyaaye
32.Calan gaara inaad yeelatoo dunida caamyeela
33.Iyo inaad cimaamado lushaa waaba kala cayne !

34.Waxkaloo cajaayiba haddaan caynka ku asteeyo

35.Cirrooliyo ciyaal iyo dhammaan curadkastoo jooga
36.Culuum kii dhigaayiyo midkaan xaraf ciraabaynin
37.Casar weerar duul wada noqdoo caaddif soconaaya
38.Oo waxa iyaga ceejiyiyo calawga beeraaya
39.Caalwaa haddana cabanayoo xumo ku ceeshaaya
40.Oo siyaasad cudur koodu yahay waa cajeb adduune
41.Caabuqan la yaab kale haddaan caafi laga doonan
42.Oo aan caqligu nooshaqayn ceebi waa weliye

43.Waxkaloo cajaayiba haddaan caynka ku asteeyo

44.Dad caddaaladnimadiyo Sharciga abid ciqaabaaya
45.Oo caaddil koodiyo waxa garad cidhib la'aan taaga
46.Oo carruurahoodiyo da'aa ciriq u dhaafaaya
47.Oo cidhiidhigiyo cuyub ka iyo cartan ku faanaaya
48.Cunsur iyo takoor caallenimo caado dhaqameeda
49.Cad-goosiga midkii xaal caddiban cagaha loo saaro
50.Caaradhuub caways lagu makalo culimo waayeela
51.ka carrawda ceel kaga kaciyo culuqa joogtaysan
52.Cabbimaysid cuni maysiddiyo cawska anigaa leh
53.Cuqdaddiyo xumahan ceedhinkee cunaha soo gaadhay
54.Misna lagu calaacalo dalkaan cidi u foognayne
55.Cajeb iyo la yaabbay tahiyo camalad liideede !

56.Waxkaloo cajaayiba haddaan caynka ku asteeyo

57.Bulsho wada cataabaysa oo ciniq abuuraynin
58.Oo tacabka baa ciil baxshee camalku foofaynnin
59.Oo caajisnimadiyo fadhiga caarif ku ahaatay
60.Oo caydhu waa gaabintee ceeri ku abaadday
61.Oo aan carriga ay degtiyo ciidda dhuganaynin
62.Oo aan cabaadkiyo dhibkiyo carar ka waydaaran
63.Oo aqoonta ay caydhsadaan cuudku dhalinaynnin
64.Oo waqtigu cayaar kaga lumiyo qaadka cuniddiisa
65.Oo hadal cargaageedka iyo caytan ku asqaysan
66.Oo calool-xumaan iyo carceer abid cagaag joogta
67.Misna inay caddiin quudatiyo cinab ka doonaysa
68.Cajeb iyo la yaabbay tahiyo camalad liideede

69.Waxkaloo cajaayiba haddaan caynka ku asteeyo

70.Bulsho yahay ka cidhif iyo ka cidhif waxan ku caansiirshey
71.Ee cawaaqib xumadiyo dhibkiyo caato naga yeelay
72.Ee cayn-wareeggiyo kubaday caalle talinaaya
73.Ee casilay hankiinnii haddana idin calaameeyay
74.Ee ceelku riday aayihii kuna cambaareeyey
75.Cirka kaaga muu iman dhibkiyo cirir ma guuraane
76.Cillad aad adigu leedihiyo garasho-ciirkaa dheh

77.Adigoo cammiran oo arliga calan-wallaynaaya
78.Cawa-dhalad adoo taagan iyo baarka curub tiisa
79.Oo dalkuna curdayn iyo casaan kugu casuumaayo
80.Oo caynba caynkiyo nimcadu kugu dul ceegaagto
81.Cadar iyo cadceed diirran iyo cimilo kuu gaara
82.Cadka xoolahaagiyo carrada cidina daah qaadin
83.Calcalyada xareeddiyo hawada cudurka kaa reebta
84.Cuskashada adoo guul hantiyey oo cif dhabanaaya
85.Ayaad caade qaatiyo cardaal curaddo mooddaane

86.Markaasuu curyaanshaa dhabbii lagu cayuuqnaaye
87.Ceeryaamo goortuu ka dhigo hadaf na ciireeyo
88.Ee uu carshaantiyo dhulkaba wada cantuugaysto
89.Cantoobsiga intuu kugu cayilo kuna cadaadshaaye
90.Oo uu cusboonayn ka dhigi cadho-qabiileede
91.Dabadeed ciyoon bay dhashaa madal colaadeede

92.Carcar iyo markaasaad dagaal ciidan kicisaane
93.Caroog baad isugu qayshataan coofle iyo wiile
94.Caynaano goortay luntee caymad yahay aayo
95.Ee aad cidlada joogsataan cidhib la'aantiina
96.Kolkaasaad haddana caymiyaay codad dhawaaqdaane

97.Cilcillawga cawa-daranta dhalay maliyo caas caaska
98.Calmashada lidkaagiyo waxad caabbin fulinayso
99.Wax carqalado kugu keenay iyo nolol carshaysnaanta
100.Cokanaan dhib kaagay ka timi cuqubo maaneede
101.Candaannimo garaad kaashadaan casharku kaabayne
102.Cibro qaadashiyo waxaba tahay caynad goonniyahe !

103.Maskax caarid joogtiyo hanlumay looma caal helo'e
104.Cod-karnimana waxa kaaga wacan cudud la maalaaye
105.Cashiiriyo intaad eegaysaan xaal casabadeedka
106.Carcaraafku waa jirahayaa cawllan iyo boodhe

Farxaan Maxamuud "Galaydh"
Amminta baahinta, 30/3/19
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...