Muxuu Kulmiye U Furey Wadda Hadalka Somaliya Q.2aad ( Abdi-Shotaly)?

0
Sunday February 02, 2020 - 08:05:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Kulmiye U Furey Wadda Hadalka Somaliya Q.2aad ( Abdi-Shotaly)?

    Waxa aynu ku soo aragnay qaybtii koowaad, wax qabashaddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynu ku soo aragnay qaybtii koowaad, wax qabashaddii

  Saddexddii madax-weyne ee ka horeeyey, intii aanu Xukunka faraha ku dhigin Qudhmiye, halkii ay kaga taageen wadda hadal lala yeesho Maamulka magac u yaalka ah ee Xamar sheegato. Bal akhristaw Qudhmiye yimiye muxuu soo kordhiyey? waa Su'aal ay tahay in uu qod kastaa is weydiiyo'e? Aan kuu soo dhaweeyee waxay ku bilaabeen isla mar-kiiba, arimahan soo socdda, oo dhamaan-ba talaabo kaste oo ay qaadaan ay noqotay, mid ka soo hor jeedda Madax Banaanidda  Somaliand ( Ilayn shaqo tag bay ahaayeene iyo Xoolo urursiye). May doonayn wax dalka ka naxa, ee kiishash waaweyn bay intii mucaaridka ahaayeen-ba u sii tolanayeen. Waana kuwan wixii ay ku kaceen, ee ay xukunka-ba u doona-yeen:-



(1) Sababta ugu horeysa ee ay sameeyeen waxay ahayd, in ay wadda hadaladdii ay maamuladdii hore iska xidheen, yidhaaheena wax aynu ku wadda hadlayna ma jirto, ilaa inta ay ogolaana-yaan in aanu nahay dawlad gaar ah, buu furey Kulmiye, iyaka oo dano gaar ah ka leh, waxana ay yihiin.


(a) In ay dalka iibiyaan, oo ay ka saxeexdaan wax ay doonayaan-ba.si ay keligood uga dhegaan.

(b) Wixii uu af-weyne ka xishooday, oo dhan in ay iyaku ku kacaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

(c) Xaraashka Hantiddii ma guuraanka ahayd, sidda dhulalkii xukuumaddii hore ay lahaayeen, dugsiyaddii, guryahii, beerihii sidda ta geed deeb-leh ee ay lahaayeen Ciidamadda Asluubtu, oo uu weliba boobay askarigan Meesha doobta ka ridayaa.
(d) Dekeddii oo Iyana laga soo Saxeeday, lagana iibiyey Imaaraadka, ilayn Meesha waa loo soo xoogsi tegaye,
(e) Garoonkii Berbera oo laga iibiiyey saldhig ay leeyihiin carabtu, oo Iyana xoolo laga dul qaatay, ilayn mab'da kale ma laha aan ahayn hungry iyo xoolo urursiye.
(f) Dagaal la geliyo ummadda, si loogu kal qaybsho, oo ay ugu fushadaan dana-hoodda gaarka ah, ee hanti doonimo.
(g) Iyadda oo dad kii kala shuf-toobay, imika is aamini la' yahay, iniba gees ku xidhan tahay, loona kala eexday.
(h) Haween iyo dumar la xidh-xidho, oo aan hore Iyana inoo soo marin, intii daayeer jirey.
(i) Beel gaar ah , oo isha lagu fiiqo, la iska xidho bi-duuni denbi, calaashaan waa reer hebel weeye, xabsiga loogu tuuraayo.
(j) Maamulka 00 100% jeegaantu isku xeerto, lagana fuudh yeelo iyaka oo qudha.
(k)  Umaddii oo loo kala saaro sadex derejo, oo kala ah muwaadinka koowaad oo jeegaanta ah,  ka labaad oo Isaaqa kale iyo gabooye ah, ka sadexaad oo ah beelaha Samaroon iyo harti.
(l) Hawaddii uu soo Celiyey Madax-weyne  Daahir Riyaale, Iyana imika baa dib ula noqotay Somaliya.
(m)  Lacagahii  aduun-kana waxa hadda la inoo soo marinayaa, oo faro guud-keed wax inagu soo tuuraysa Somaliya.
(n) Ma Jiro dal siddii hore u Madax Banaani, ee waxay dib inoogu celiyeen, in aynu ahaano Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya.
(o) Sanaag bari waxa goostay Puntland, oo Nuux Baasto baa af cad ku fasaxay, weliba ku dray nacnima-diisa qaar kale-na ha iska tageen ( Wuxu ka sinji qaba askariga waalan ee inaadeerkii ah, oo intaas soo faray ilayn haddii kale muu yidhaaheene.
(p) Suldaan wabar jeex buu goostay, buuhoodle cashuurta Puntland baa laga guraam Sanaag colaad iyo kala yaac ba aka jira, gobol-gobol xidhiidh la lihi ma jiro, oo waxa taagan dardaarankii Madax-Weyne  Daahir Riyaale, ee ahaa " Dal Iyo dad wadda socdda baan kaaga tegay, oo aniga gacan-taydda ku burburi mayso Somaliland"
(q) Gobolka Sool oo colaad xuduudeed iyo mid sokeekye-ba ay bara-kicin ku hayso.
(r) laba doorasho bay qabteen reer kulmiye, oo musuq-maasaqa ka dhacay waad og-tihiin, oo aan si xor iyo xalaal ah loo qaban, taas micna-heedu waxa weeye, waxay kursiga u rabeen-ba wax kale may ahayn, ee waxay ahayd sidee baad uga dhaqataanidinka oo ku maalaaya, kala qaybin iyo is nacsiin beelaha la dhex dhigo, taas oo u suura gelinaysa in ay xaaraan iyo reer hebel ku jaqaan hantidda ummadda, tuugta illaahy ka go'ay.

 Intaas oo dhibaato ah iyo in ka badan oo aan la soo koobi Karin, baa ku habsaday dalkii iyo dadkii, kuwa ay tuumbadu dhuunta caanaha ah ugu jirtaana, dan kama laha, oo iyaka wax-ba kama gelin wixii dhacaaya, mar haday tooddii ka hir-gashdeen. Muwaadin marka uu maraayo halkaas xaalku, waxa inoo hadhay ee aynu sugnaa waa maxay? Waad aragtaan oo ummaddii waxay u kala baxday dabaqado kala sareeya, in cawska daaqdda iyo in malab jaqdda, waxan ku soo xidhay qoraalkan, inta aynu iska dhaafno beenta la inagu wadna gooyey, ma iska qabnaa maafi-yadan inoo soo tafa-xaydatay? Mise sidaas baynu ku bas-beelaa.
Dhamaad.
*N.B Aniga Somaliland Gacan-taydda Ku Burburi Mayso! (Madax-Weyne Riyaale Baa Laga Hayaa).
 Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...