Saleebaan Gaal Shaqaqda Kamuu Tegin Ee Shaqada Ayaa Isaga Ka Tagtay.
Imika hal todobaad bay socotay Saleebaan Gaal wuu dhiibay istiqaaladii
Gudoomiyaha Guurtida arinkaasi waa xaqiiqo waxaa u caddayna kol haddii
uu isagu odhan waayey ma jirto istiqaaladaasi isagoo xafiiska fadhiya
waa dhab kuwan kalee leh ma jirto waxaa uun ay daydeyayaan oo
ogaanayaan cidda meesha rabta inay ogaadaan. Saleebaan shaqada kamuu
tegin ee shaqada ayaa isaga iskaga tagtay markii Xooggii iyo
awooddii iyo fikirkii adduunka ka gabaabaabsi soo gaadhay. Markaa
wadanka iyo horuumarka ummadda waxaa dani ugu jirtaa hubaal shaqsi
sifooyinkii uu lahaa Saleebaan Gaal oo dhan ka duwan oo noqda qof
nabadeed qof diimeed, qof aan qalaf sanayn qof samatalis ah oo
dhalinyarada reer SOMALILAND aad u jecel oo ay ku daydaan. Qof aan
qabyaaladda hurin ee qabaail mideeyah qof institutions ku wada sida
distoorka ku xardhan een baal marin sida SALEEBAAN lagu bartay afkiisa
iyo adinkiisaba qof gobol walba odayadooda iyo wax garadkooda u taga la
shira mid mid u yaqaan. Qof dabkasta bakhtiiya. Gudoomiye Guurti uma
baahna qof siyaasadda Somalida ee aynu xaalkeeda wada ognahay qof isu
qaawiyey oo cid badani neceb tahay waxay waxaa loo baahanyey qof qalbiga
dadka reer SOMALILAND oo dhan ay ku soo dhacdo laabtooda NOOLAATAY
YIDIDIILADII NAXASHKA SAARAYDE. SALEEBAAN Gaal habeen qudha lama arag
isagoo dad dhexgal sameeyey, dhalinyaro iyo arday weligii meel ay
joogaan Laguma arag, reer miyi iyo xoolo iyo dhaqan Somali meel ay
joogaan habeen laguma Arag, colaad meel ka dhacday iyo odaynimo iyo
ardaa fadhiisi laguma arag, dumar iyo caruur iyo qaxooti laguma arag,
heshiis jabhadeed iyo Xukuumad laguma ag arag markaa kama uu duwani
shanta kun ee dhagax ee xuduumadii reer SOMALILAND meelahaa
dhigdhigaan xitaa degmaduu ka soo jeedo ragbaa markay caruurtii waxay
afka u geliyaan waayeen geed caruurta u dhaw iska soo dedelay isagoo ka
hadalaya lama arag. Talaabo qudha oo ummadda dhex socda lama arag
IMIKANA SHAQADA KAMUU TEGIN ISAGUYE SHAQADAA ISAGA KA TAGTAY.
WAXAA JIRA RAG BADAN OO WADANKA KASOO SHAQEEYEY TAARIIIKH DHEER OO
NABADAYN IYO DAGAAL IYO KHIBRADBA LAGU OGYEY OO BUUXA. RASUULKEENII
MAXAMED AHAA (CSW) wuxuu inagula dardaarmay Madaxnimada qofka soo
doonta ha siinina ee waxaa sii saan qof ka aa idinku la doonataan.
Aniga qof qudhaa igaga wanaagsan Gudoomiyaha Guurtida waa WASIIRKII
DAAKHILIGA EE HORE DUUR CARAALE LAAKIIN WAXAA JOOGA INA GUURE WAXAA
JOOGA PROF YAASIIN WAXAA JOOGA DHEGA WEYNE , WAXAA JOOGA XASSAN CIISE
JAMA, WAXAA JOOGA Mujaahid Hasan Dayax DAD BADAN OO DADKA ISU KEENI
KARA MADAXWEYNAHANA KA JOOJIN KARA CAAGADAHAN UU TÙURTUURAYO IYO WIXII
LA MIDA.
WADANKA SOMALILAND wuxuu u baahanyey chapter cusub iyo dhiig cusub
uma baahna afartan isriixriixaayey 10kii sano ee u dambeeyey ee isnacay
dadkiina isnacsiiyey.
Wadanka SOMALILAND wuu ka qaalisanyey Maamul goboleedyada kale oo
dhan marka lagu daro Dawladda Federal ee caalamka ku weyn Somali
dhexdeedanana aad iyo aad u naqan oo oo u Italy daran laakiin madaxdii
reer SOMALILAND intii Riyaale ka dambeysay Dawladnimo la yabyay oo soo
kacaysay bay hoos u celiyeen oo ka dhigeen dal shacab qayb qayb sani ku
noolyey waxay soo kordhiýeen waa dhul la dayrdayrto iyo jagooyin boqol
fayl loo sameeyo oo la isku qabqabsado.
Maqaalkanani was shahaado xilmagudashadii SALEEBAAN ee 16 sano oo
Distoorka reer SOMALILAND aan waafaqsanayn laakiin uu xaq u yeeshay.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...